“Anigu Ma Ihi Nin Guurguura, Madaxweynaha Iyo Muuse Biixina Waxa Iigu Dambaysay Xafladii 26 June”

0
1748

axmedHargaysa( Geeska )- Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Udub Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa meesha ka saaray inay  isaga iyo garabkiisu ay wax kulan ah la yeesheen guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi iyo madaxweye  Siilaanyo.

Waxa uu Axmed Yuusuf Si adag u sheegay in uu noqonaayo qofka ugu danbeeya ee xisbigaas ku h adhi doona,  waxaanu ku celceliyay inuu yahay nin gaadhay  mansabka labaad ee dalka isla markaasna aanu guurguuri karin. Waxaanu Axmed Yuusuf Yaasiin  oo la soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika, uu yidhi

“ Waxay qaar ka mid ah jaraaidku qoreen in Axmed oo hoggaaminaya rag kamid ah xisbiga Udub inay la kulmeen Muuse Biixi iyo madaxweynaha oo ay arrimo siyaasadeed kala hadleen, waxaan halkan ka cadaynayaa in aanu arinkaasu jirin, Muuse Biixi iyo madaxweynahana waxa isugu kaayo danbaysay 26-kii Juun habeenkii xaflada, ma jirto rag aan wato oo la kulmay madaxweynaha.” Ayaa uu yidhi Axmed Yuusuf

Waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Way jiri kartaa qof qof iyo laba siyaasiyiina oo la kulmi karaa oo damacsiyaasadeed leh, laakiin anigu umaan tagin, shalay Jamaal ayaa qabtay Ucid oo haddaan cid raacayo kii aan sharaxaayay ayaan raaci lahaa, laakiin waxaan umadda u sheegayaa Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu ahaa lixdii xildhibaan ee lixda gobal laga keenay ee xisbiga Udub lagu bilaabay, xisbiga waxaan noqonayaa ninka u danbeeya ee la dhimanaaya ama soo saaraya. Ma ahi nin guur guura, waxaan gaadhay ninka labaad ee wadanka, miyuu jiraa nin madaxweyne ah oo kursiga iiga kacayaa maanta, dalka waxa ii hadhay kaasun kaasna anigaa ka nastay, waxaan umadda U sheegayaa Axmed waxa uu noqonayaa ninka ugu danbeeya ee xisbiga la soo baxaaya ama la dhimanaaya.”

Ugu danbayntii Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sheegay inay xal u raadinayaan khilaafka xisbigooda kala irdheeyay.