“Dhakhaatiir Aan Liisan Caafimaad Wadana Dalkana Kama Hawl-geli Karaan”

0
77

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka

Hargeysa (Geeska)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay inay baadhis ku samayn doonaan isla markaana hubin doonana Farmasiiyada kala duwan ee dalka ku yaala.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr Maxamed Cabdi Xergeeye,oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay sidan “Daryeelka iyo ilaalinta Caafimaadka Bulshada, Deegaanka iyo Dalkaba, waa waajibkayga qaran, iyo xilka aanu qaranka u hayno, ILLAAHAY oo qudha ayaa wax ilaalin kara, laakiin anagu Xukuumad ahaan intii karaankayga ah waanu dadaalayna, in aanu tayada caafimaadka ee dalkana ilaalino waa mid loo baahan yahay in aanu ka hor tagno wax kasta oo caafimaad daro keenaya, cudurana ka dhalanayan, waa loo baahan yahay, markaas sidaas oo ay tahay Caafimaadku wuxuu ka mid yahay nimcooyinka ILLAAHAY uu bixiyo, markaas inaynu ka war hayno oo aynu mar walba ilaalino Caafimaadkeena guud iyo Caafimaadkeena gaarka ahba, ayaa loo baahan yahay, waxaa dhacday in aanu hore dalka uga saarnay dad ajaanib ah oo iyaga aan dhakhtaro ahayn ama buuxin shuruudihii looga baahna haddana dhakhtaro inoo sheeganayanayey, sidaas darteed caafimaadka bulshadu inuu bakhtiya nasiib uu galo ma rabno, dhakhaatiir aan liisan Caafimaad wadana dalkana kama hawl-gali karaan, ee Komishankeena inoo qaabilsan hawshan ee ah Komishanka Mihnadaha Caafimaadka Somaliland (NHPC),cid aan liisan ka wadani, oo aanay hubin, dalka kama sii hawlgali karaan, oo Bulshada Dhakhaatiir uma sii noqon karaan, ha noqdaan muwaaniin iyo ajaaniba”.

Mar uu ka hadlaayey Farmasiiyada ayaa yidhi “Farmaasiiyadii sidii dukaamadii oo kale ayey dalka ugu bateen, ee baadhiis baanu ku sameeyn doonaa, oo waxaanu hubin doonaa dawooyinka ay iibiyaan,aqoonta cidda dawooyinka iibinaysa”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.