Sheekh Dirir Oo Ka Digay In Fawaxish La Sameeyo Sannadka Cusub

0
783

dirirHargeysa(Geeska)-Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, ayaa khudbadii Jimcaha ee shalay wuxuu ku soo qaatay mawduuc muhiim ah oo uu kaga digayay fawaaxishka ay dadka qaarkii sameeyaan sannadka cusub ee taariikhda milaadiga oo uu sannadkii 2012 caawa bilaabmayo, haddii Alle idmo.

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, wuxuu sheegay  inay umadda Islaamku leedahay sannadka hijriyada ee Islaamka, waxaanu ka digay cawaaqib xumada ay keeni karaan dabaal degyada la sameeyo sannadka milaadigu marka uu curanayo “Sannadka umadu islaamku ay qadariyaan ee ay tirsadaan waa kaas hijriyada laakiin dadkii oo laga xoog roonaaday xaggii hoggaaminta daraadeed waxay u baydheen kii miilaadiga ahaa inay tirsadaan oo ay arrimahoodii ku saleeyaan.” Ayuu yidhi Sheekh Dirir, waxaanu intaas raaciyay “Waxase aynu baraarujin lahayn munkaraadka dhaca caawa oo kale oo ee dhallinyaradu intay happy new year yidhaahdaan ay la ciidaan oo la dabaal degaan hay’adaha ama ay dadku isqaawiyaan oo ay hoteelo samaystaan, munkaraadka iyo fawaaxishka noocaas ahina  cidhib xumadeedu inagu soo noqonaysaa.”

Sheekhu ugu dambayn wuxuu labeenta bulshada ugu baaqay inay umadda ka waaniyaan samaynta arrimaha fawaaxishka ah, waxaanu yidhi “Markaas inaad ka baraarugsanaataan oo qolaba xaafaday joogto dadka la baraajuio oo wixii macaasi ah aan farxad laga raadin, xalaasha iyo wixii mubaax ah ayaa farxad laga raadiyaa, laakiin macsiyada iyo dambiga inaad ku faraxdaa waxay keenaysaa in wixii Alle kuugu cadhoonayay aad ku faraxdo oo aad xalaashato.”

Digniintan Sheekha ayaa ku soo beegmaysa iyadoo uu sannadka cusub ee milaadigu caawa curanayo.