Madaxweyne Siilaanyo Oo Canaan Iyo Wax U Sheeg Isugu Daray Wasiiradiisa

4
729

eeeeeeeeeeeeeHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa canaantay qaar ka mid ah golihiisa wasiirada, waxaanu ku waaniyay inay joojiyaan in warbaahinta la isugu jawaabo iyo weliba in waxyaabaha lagaga wada hadlo kulamada golaha wasiirada lagu baahiyo wargeysyada.

Madaxweyne Siilaanyo oo guddoominayay shirkii golaha wasiirada ee khamiistii doraad, wuxuu muujiyay sida uu uga xunyahay in wasiiradu isugu jawaabaan kulamo saxaafadeed iyo weliba in saxaafadda si cad loogu sheego waxyaabaha kulamada golaha wasiirada lagaga wada hadlo iyo weliba doodaha dhex mara, waxaanu sheegay in imika laga bilaabo aanu arrimahaas u dulqaadan doonin. Ilahan xogogaalka ah ee Wargeyska Geeska Afrika u waramay waxay intaas raaciyeen inaanu Madaxweynuhu cidna si gaar ah u abaarin una magacaabin, waxase uu hadalkiisu ku soo beegmay iyadoo khamiistii uu shirjaraa’id qabtay wasiirka macdanta iyo biyaha Md. Xuseen Cabdi Ducaale, oo iska difaacay eeddo musuqmaasuq oo uu sheegay inuu Madaxweynaha uga gudbiyay wasiirka maaliyada Md. Maxamed Xaashi Cilmi, isagoo sheegay in Madaxweynuhu markaas ka dib hantidhawrka guud ee qaranka amray inuu baadhitaan ku sameeyo wasaaradiisa, kaas oo isna soo saaray warbixin uu saxaafadda u bandhigay oo uu ku sheegay inaanay jirin lacag la musuqay. “Shirkana waxa fadhiyay 27 Wasiir oo aan anigu 28 ku ahay. Waxa Wasiirka maaliyaddu uu shirka ka sheegay inaan musuqmaasuq ku kacay. Markaasi hanta dhawrku aadhistiisa uu shalay soo afjaray waxa amray madaxweynaha Somaliland markii Wasiirku warkaasi keenay. Waxaana daruuri noqotay in si rasmi ah baadhitaan loogu sameeyo wasaaradda. Hanta dhawruhu wixii uu xog ku helay baadhistiina isagaa idiinka waramay,”sidaas waxa shirkiisa jaraa’id ku yidhi wasiirka macdanta iyo biyaha.

Si kastaba ha ahaate inkastoo uu Madaxweyne Siilaanyo canaan iyo waano isugu daray wasiiradiisa haddana maaha markii koowaad ee ay hay’adihiisa maamul isu jeediyaan eedaymo ay isu mariyaan warbaahinta, waxaana xataa la arkay qaar ka mid ah masuuliyiinta hay’adaha ammaanka oo eeddo isu jeediyay taas oo umadda ku noqotay layaab.

Comments are closed.