Xildhibaan Sharci Darro Ku Tilmaamay Lacago Lagu Soo Rogay Ganacsatada Baabuurta

0
611

Picture6Hargeysa(Geeska):-Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil(Gaani), oo ka mid ah mudanayaasha aqalka golaha wakiilada Somaliland, ayaa sharci darro ku tilmaamay lacago dheeraad ah oo lagu soo rogay ganacsatada gawaadhiga kala soo dagta dekada magaalada Barbara, waxaana uu sheegay in lacagta iyo hay’adda qaadaysaaba aanay ahayn kuwo sharci ah isla mar ahaantaana aan laga soo ansixin aqalka golaha wakiilada Somaliland.

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil(Gaani), ayaa hadalkan ka sheegay mar shalay qaar ka mid ah warbaahinta uu kula hadlaayey magaalada Hargeysa, waxaana uu sida talaabadan ku tilmaamay mid lagu boobayo hantida umadda isla mar ahaantaana lagu naas nuujinaayo dad gaar ah.

"Waxaan ka hadlayaa waa wax arrimo bulsho ah, oo baryahanba sida aad maqlayseen waxaa ka taagna dhibaato dekada Barbera, taas oo la sheegay in gawaadhidii ka soo degaysay lacag la saaray, qaylada waad ka maqlayseen nimankii macdarada ee baabuurta soo dejin jiray arrintaas horena waan uga hadlay arrinta iyada ah lacagta la saaray iyo waxaa lagu hadlaayo ee xalay(habeen hore) wasiirku lahaa waa adeeg wax Allaale waxa ka jiraa ma jiraan, hay'adda lacagta loo ururiyey ee la sheegay in ay tahay hay'adda Illaainta Tayada, waxaan idiin sheegayaa in ay sharci darro tahay oo aanu dad weynaha u sheegayno in ay sharci darro tahay sida uu dhigaayo qodobka 39aad ee dastuurku, waxii lacag la qaadayo ama cashuur soo kordhaysa waxaa ansixinaya baarlamaanka meel laga soo mariyey baarlamaankuna ma jirto, hay'addu meel baarlamaanka laga soo mariyey oo iyaduna ay sharci ku tahay ma jirto haddii laga hadlaayo Illaalinta Tayada, waxaa loo aas aasay hay'ad gaar ah xeerkeeduna wali socdo oo iyada lafteeduna aan wali dhamays tirmin oo guurida iyo wakiilada wali dhexmaraayo. kuwii iyaguna haamaha shidaalka ee lahaa waxaan keenay Laab ee lagu ogaa hay'adda Illaalinta tayada, waxa weeye adeer iska wareeji shuqul kuma lihidee waxaa loo xil saaray hay'ad gaar ahee, kuwan maanta iyaguna leh hay'ad kale oo gawaadhida tayadeeda ah ayaan samaynay, waxa weeye adeer cuntadii ayaan wali cid Illaalin tayadeedii iyo dawoonkii dadku cunaayey oo ka muhiimsanaa, in gawaadhida lacag la iska saaro oo cid loogu daneeyaa waa wax aan dhici karin sharcina maaha, haddii ay xukuumadu dastuurka ay iska bixiso oo ay qaawanaan ku orodo waa wax kale xeerkii, sharcigii iyo dastuurkiiba iyada waxa ay la mid tahay in ay bixiso lacag aan cidi ansixin oo wakiiladuna ansixin, golayaasha kalena cid kale aan ansixin ay tidhaahdo waan ka qaadaynaa dad weynaha waa boobkii hore boob loogu talo galay.".Ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Gaani. Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil(Gaani), oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu carab dhabay in dhawaan ay dalka imanayso shirkad Faransiis ah oo uu sheegay in laga iibiyey dekada magaalada Barbera, waxaana uu uga digay shirkadaas iyo cidii kale ee heshiis la galaysa xukuumada Siilaanyo aanu ahayn heshiis sharci ah, waxaana uu sabab uga dhigay wakhtiga xukuumada u hadhsan oo uu sheegay in ay gabaabsi tahay isla mar ahaantaana, aanay sharci ahayn in wax heshiis ah la’la galaa.

"Arrinta Barbari waxaa ay ka mid tahay ee hada la saaray cashuurta gawaadhidii soo degaysay boobka socda ee aan istaaga lahayn, waxaa kale oo la ii sheegayey xalay in sharkadii Faransiiska ahayd ee la lahaa waa laga iibiyey dekada ay iyaduna imanayso madaxweyahuna uu tagi doono Barbara, annagu mar hore ayaanu sheegnay saddex bilood xukuumad uu wakhtigeedii ka hadhsan yahay ninkii wax la galaa isaga ayaa ka mas'uul ah, waxba kama iibsamaan, heshiisna ma gali karto, ninkii sharciyad doonayaana ha iiyimaado, wax Allaale iyo wax heshiis ah oo ay gali kartaa xukuumad ay saddex bilood u hadhsan tahay ma jirto, waa in marka hore mashruuca baarlamaanka la keena, ansixiyaa, heshiiskana la isla gartaa, laakiin sidii kuwii hore ee shidaalada lahaa waxbaanu baadhaynaa, ee aan war loo hayn imika waxa ay baadhayaan ee aan cadaymahoodii iyo heshiisyadoodii la soo marin waa lacag boob ku dhacaysa uun.".Ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Warsame Gaani.