Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jahwar Oo Tallooyin U Soo Jeediyey Xukuumadda Iyo Xisbiyada Mucaaradka

0
599

Hargeysa (Geeska) – Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jahwar, oo ka mid ah Culimada waaweyn ee Somaliland, ayaa talooyin muhiim ah u soo jeediyey Xukuumadda iyo Axsaabta Qaranka, waxaanu tilmaamay in Xukuumadda aan laga helaynin hal arrin, halka uu Xisbiyada Mucaaradkana aan laga helaynin hal arrin.

Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jahwar, oo khudbad ka jeediyey Casho-sharaf uu Madaxweynuhu u sameeyay culimada dalka ayaa yidhi  “Waxaan talo iyo tusaale u soo jeedinayaa anigoon dhex galaynin Axsaabta maxaa yeelay markaad marayso dawga qodxaha leh waa la is ilaaliyaa oo waa la is dhawraa baa la yidhi, marka laga warramayo Axaabta daw qodxo leh baa loo maraya, laakiiin waano guud baan bixinayaa ee dadka inay wax isla ogaadaan Islaamku aad iyo aad buu u soo dhawaynayaa, siday wax ku hagaagi lahaayeen Xisbiga Kulmiye ee Xukuumadda hoggaaminayaa mid baan laga helaynin, haddii laga helayo way fiicnaan lahayd, Asxaabta Mucaaradkana mid baan laga helaynin, haddii laga helayana way fiicnaan lahayd, Xisbiga uu hoggaaminayo Madaxweynuhu Muuse Biixi mid baan laga helaynin, taasi oo ah inay yidhaahdaan nimanka walaalahayaga shan sanno ayaanu soo joognee waar maanta idinka ayaanu idiin dhiibnay ee ku kala baxa, Xisbiga Dawladda laga heli maayo, oo qawaaniinta aanu dhiganay baan u garaabaynin, Axsaabta Mucaaradkana mid baan laga helaynin waar ninkii Madaxweynihii dalkii maanta meel fiican buu marinayaa, waar adduunyadii way inoo soo jeedda, waa la ina ogaaday, adduunyadu waa maalmo, ee shanta aynu iskaga dayno oo shanta dambe aynu ku tartano”

 

Geeska.net/Hargeisa Office