Qaar Ka Mid Ah Ardayda Jaamacadaha Oo Cilmi Baadhis Ku Sameeyay Jiritaanka Shirkada Tiens

0
1945

Picture2Hargeysa(Geeska):-Qaar ka mid ah ardayda Jaamacadaha ayaa cilmi baadhis ku sameeyey jiritaanka shirkada Tiens International Company oo farac kamid ahi uu ka hawl galo gudaha magaalada Hargeysa. Qoraal ay ardaydani soo gaadhsiiyeen Wargeyska Geeska Afrika,ayaa waxaa ay ku soo bandhigeen xogta cilmi baadhista ay ka sameeyeen shirkadani,waxaana uu u dhignaa sidan:

Anaga oo ah qaar kamid ah Ardayda jaamacadaha S/land waxaan cilmi baadhis qoto dheer oo aan maal iyo maskaxba u hurnay ka samaynay company-ga  Tiens,si aan daaha uga rogno xaqiiqda dhabta ah ee  ku xeeran company-gan.

Marka hore aan ku horayno tariikhda company-ga iyo halka uu kasoo jeedo :-

Company-gan waxaa la aas ‘aasay 1992-kii, waxaa laga aas aasay gobol lagu magacaabo Tianjin oo ku yaala wadanka china.

1995-kii company-gu wuxuu bilaabay inuu ku shaqeeyo suuqa loo yaqaan iibka toooska ah (Direct Selling Association).

1998-kii, wuxuu suqiisa ku fidiyay U.S.A

U.S.A wuxuu usii dhaafay Russia iyo Qaarada Yurub. 

2001-dii, company-gu wuxuu u gudbay qaaraddaha Assia iyo Afrika.

 2004,wuxuu isku balaadhiyay networkiisa 180 wadan.

Tiens waxay ka mid tahay companyada horumarka badan marka loo eego suuqa iibka tooska ah ee caalamka.

 16 sano gudahood wuxuu ku fiday 190 wadan ,waxaana in kabadan 40-milyan oo qof ay ka shaqaysa dunida oo dhan.

Shirkadani waxay leedahay xarun cilmi baadhis oo ah ta ugu weyn dunida ee herbal lagu farsameeyo.

Haddaan intaa ku dhaafno tariikhda companigan waxaan sharaxaynaa nooca suuqa  ee ay ku shaqeyso shirkadani si aynu u fahano ( D.S.A)  ama Iibka tooska ee company-gani  ku shaqayso oo siddoo kale loo yaqaan Multi level Marketing (MLM).

Mar ka horena aan dib ugu noqono suuqyaddii ka horeeyay oo aan u kala saarno saddex qaybood. Iibka kala badalasho  ( Exchange Market), suuqan ama habkan wuxuu jiray intii aan aduunku aanu aqoon lacagta,wuxuuna ku dhisnaa in labada qof ee wax kala iibsanaya ay kala badashaan  labada shay ee suuqa la keenay.

Traditional market, (suuqa aan baranay), suuqani waka maanta aan isticmaalno ee ay lacagtu aabuurtay oo alaabtu gacmo badan marto laga bilaabo sameeye ilaa isticmaale tusaale ahaan waa silsilad isdaba taal oo ka kooban.

Sameeye——–Keene——– Qaybiye———-jumladle———–tafariiqle——tukaanle—–isticmaale.

Dhibatooyinka uu suuqani leeyahay,.

Sicir barar ( inflation).

Copy.

Vagary.

Tariikhda oo dhacda expire date.

 Suuqa Iibka tooska ah ( D.S.A), suuqan waxaa markii u horaysay la isticmalay mudo haatan laga joogo 60-sano,waxaana laga isticmaalay wadanka maraykanka.suuqan hadda waxaa ku shaqeeya in ka badan  5000 oo company oo ah kuwa ugu fiican dhinaca tayada alaabta, uguna horumarsan.  Suuqani wuxuu udhigan yahay siddan:.  Sameeye……Isticmaale.

Waxba u ma dhexeeyan company-ga  alaabta soo saara iyo isticmaalaha,waxana xal u yahay dhibatooyinka ay abuureen labaddii  suuq ee isaga ka horeeyay  alaabtana waxaa suuqa geeya qaybiyayaal madax banaan ( independent Distributors),kuwaas  oo company-ga ka hela komiishan,,isticmaalana xayeysiinta afka  (Use word  of mouth advertisement).

Company-ga Tiens wuxuu Somaliland soo galay 2013-kii, waxanu ku fiday  goboladda Somaliland ilaa dhawr  xarumood  ayuu  ku leeyahay, waxaa ka shaqaysata dad gaadhaya 2000 oo qof oo somaliland u dhalatay wana shaqa abuuristii ugu baxadda waynayd ee dalka soo marta, waxa kale oo albaabada u furi doona in company  kalena wadanka yimadaan. Company-gu  wuxuu hoos u dhigay shaqo la’aantii iyo tahriibkii dhalinyarada haysatay.

Haddaba waxaan iswaydiinaynaa dunidda muslimka ah maka  shaqeeya companigu?

Jawaabtu waa haa, wuxuu ka shaqeeya wadamadda Sucuudi Arabia, kuweyt, Qatar, Bahrian, Pakistan, Malaysia, Indunisia, Sudan, Libya iyo kuwo kale.

Company-gu  wuxuu soo saraa daawo dhaqameed (herbal),tasoo loo adeegsaday Biotechnology oo  waxwayn ka badashay cafimaad bulshada aduunka oo dhan.

Shahaadooyin  caalami ah oo ku mutaysatay  wax sosaarkiisa  tayo u leyahay awgeed

Islamic  development department certificate halal  of malasia  serial No: 007278

Certification  by  FDA  America  serial no: “iso9002 quality system cortication”

Ministry of drug authority of Ethiopia

Kenya  standard certificate

awards and achievements  by tianshi   Group certificate from UN supplier

Fahfaahin dheraad ah ka akhriso.

www. Dsa.org. ama

www. Tiens.com

 Mahadnaq

Marka hore waxaa mahad iska leh Allah (S.W). marka xigga dawladayada iyo madaxdayada u soo halgamay inaan nabad ku noolaano .

Ugu danbayntii ardayda Cilmi baadhistan ku aadan shirkada Tiens International Company sameeyey ayaa waxaa ay kala ahaayeen sidan:

Sharmaarke Xuseen Cali ..Bussiness Adminstration  Eid Xasan Maddar……..Engineering

Fatima Huseen Aadan…….I.C.T(Information Communication Technology)

Shab’an Yuusuf Jama……I.C.T(Information Communication Technology). Hilaal Aadan Maxamed….I.C.T(Information Communication Technology).