Sheekh Aadan-Siiro Oo Ka Hadlay Farsamada Imika Hantida Umadda Lagu Boobo

0
617

 

Picture5Hargaysa( Geeska )- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan Siiro), ayaa markale xukuumadan haatan jirta ku eedeeyay inay cilmiyaysay musuqii  dalka ka jiray, isla markaasna aan si sahlan lagu ogaan karin qaabka hantida dalka loo lunsanaayo.

 

Sheekh Aadan Siiro waxa uu ku celceliyay in la’ ilaaliyo hantida la wada leeyahay, waxaanu usoo jeediyay siyaasiyiinta inay si gaara u shaqo tagaan hadday hanti u baahnyahiin. Sheekhu waxa uu si niyad samaan ah u sheegay in bulshada Somaliland ay la’dahay cid ilaheeda dhaqaale uga faa’idaysa waxaanu maamuladii kala danbeeyay ku tilmaamay kuwo aan si fiican u fahmin micnaha dawladnimada.

Sheekh Aadan Siiro waxa uu arimahan kaga hadlay khudbadii salaada jimce ee shalay oo uu ka jeediyay masjika Quba ee magaalada Hargaysa. Waxaan hadaladiisa kamid ahaa “ Hantida aynu haysanaa waa intee, dhibaatada ina haysataa maxay tahay, miyaad is leedahay dalkeena gabigiisaba shan qof ayaa masruufi lahaa markaad eegto illaha dhaqaale ee aynu leenahay,waxanu la’nahay waxii cid inoo habaysa, ileen hantidu maaha kontan nin oo guryo dhex fadhiista iyo baabuur la’ fuulo iyo magacyo, nidaamka sakada ee Islaamka oo kaliya haddii aynu raacno dunida oo dhan ayaa inagaga dayan  lahayd.” Sheekhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “ Gaalkii gaal ugu fogaa ayaa ka xishooday musuqa, waxay raacaan tareenada, waxa si cad loo arkay maayarka London inuu iska waayay lacagtii tareenka, inagana maayarkeena Hargaysa waad ogtahay saddexdii biloodba marbuu safraa, imisa Laangaruusal ayaa laysdaba eryayaa waa islaantaas tamaandhada iibisa shantii boqol ee laga qaadayay. Nimanka jooga iyo kuwa soo socdaba ha’ahaate  ma islaanta shanboqol laga qaadayo ayaa intaad laangaruusal ka iibsato hadana aad boodhaka ku kicin doontaa, waar shareecada haloo da’daalo waar caqligeenu ha shaqeeyo, waar waxa umadda ka dhaxeeya hala’ilaaliyo, waar ninkii wax gaara doonayoow  iska shaqayso oo adigu xamaalo.”

Sheekh Aadan Siiro oo ka hadlaaya musuqa uu xukuumada iyo siyaasiyiinta ku eedeeyay waxa uu yidhi“ Waxan laysugu laynaayo madaxtinimada dadkeenu isma waydiinayaan, ninkii shalay kabaha la’aa intaas oo guri iyo intaas oo laangaruusal (Landcruiser) ayuu leeyahay, carruurtiisiina jaamacado dibada ah ayuu  u dirayaa. Nin walibana kaas uun buu eeganayaa. Musuqiibaa waliba imika la sii cilmiyeeyay, kuwii hore ee wadanka haystay way yara farsamaysnaayeen oo waxooda waa la arki jiray, laakiin imika waxa soo baxay niman xarfaan ah, waxna lama arkaayo meel wax lagu kala qaatayna arki maysid, mar danbe ayuun bay sanqadha baxaysaa meel kale ka baxdaa, iyagana waxaan leenahay illaahay xaqa ha garansiiyo.”