Sheekh Aadan-Siiro Oo Cambaareeyay Weerarkii Lagu Qaaday Xarunta Hubaal

0
679

 

Picture6Hargeysa (Geeska)-Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aaden Siiro) oo ka mid ah culimada reer Somaliland, ayaa shalay ka hadlay weerar habeen saddexaadkii dablay hubaysani ku qaadeen xarunta Wargeyska Madaxa-banaan ee Hubaal, weerarkaasi oo uu ka dhashay khasaare koobani.

Sheekh Aaden Siiro, oo Khudbada Salaada Jimcaha ku soo qaata hadba wixii toddobaadka ku soo kordha dalka iyo dadka, ayaa shalay ka hadlay weerarka Hubaal, kaasi oo loo hayo askari boolis ah, waxaanu Sheekhu sheegay in falkaasi ay ka dambeeyeen dad ujeedo gaar ah lihi.

Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey, waxa uu sheegay inay culimo ahaan ka xun yihiin falkaasi oo uu sheegay in loogu tallo-galay inuu amaan daro abuuro, maadaama oo dadka reer Somaliland qof walba hubkiisa haysto.

Sheekha oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi  “Waxaanu aad uga xunahay dhacdadii habeen hore ka dhacday Hargeysa, waxaanuna leenahay waa arin aan umadda qaban, dadku wuu wada hubaysan yahay oo nin aan qorigiisii haysan ma jiro, in guryaha sad-badhka la isugu soo galo, iyadda oo la hubaysan yahay oo la wareero Meherad qof Muslim ahi leeyahay, sharci iyo caqli toona wax aanu aqballanayno maaha, waa arin baal-waydaarsan wixii Somaliland lagu dhisay, waa arin waydaarsan heshiisyadii aynu galnay, waa arin baal-waydaarsan waxa hogaan lagu yahay”

Sheekh Aaden Siiro, waxa uu sheegay in falkani ka soo fulay cisaabad ujeedo gaar ah leh “Arintaasina waa arin ka soo fushay cisaabaad jecel inay dadku is dilaan, oo jecel inay abuuraan manhaj iyagga u gaar ah oo dalka lagu maamulayo, qabiil maaha oo qabiil u tirin-mayno, deegaan u tirin-mayno, in loo tiriyaana waa qalad, waayo waa ta ay jecel yihiin, waayo dad ujeedo gaar ah leh” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Arinkani noqon maayo arin la yidhaahdo guddi-baa loo saarayaa,  waa la baadhi doonaa iyo waa laga fiirsanayaa, ee wuxuu u baahan yahay in si deg-deg ah wax looga qabto”