Prof. Axmed Ismaaciil Samatar Oo Iska Casilay Baarlamaanka Somaliya, Kuna Soo Jeeda Magaalada Hargeysa

1
634

 

Picture7Mennosota(Geeska)-Prof.Axmed Ismaaciil Samatar ayaa daboolka ka qaaday inuu iska casilay xilkii xubinnimo ee baarlamaanka Somaliya, waxaanu sheegay inuu dhaliilayo sida loo soo doortay iyo shaqada ay qabtaanba baarlamaanka Somaliya.

Prof.Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu sheegay inuu wakhtigan danaynaayo inuu yimaado Somaliland iyo dhulkale oo ka tirsan deegaanada Soomaalida si uu ugu kobciyo aqoonta uu u leeyahay dadka iyo deegaanada Soomaalida. Waxaaanu meesha ka saaray inay wax kulan ah yeesheen madaxweyne Axmed Siilaanyo inkasta oo uu sheegay inuu khadka telefoonka kula xidhiidhay kuna soo dhaweeyay dalka Maraykanka.

Axmed Ismaaciil Samatar ayaa arimahan kaga waramay waraysi uu siiyay shabakada wararka ee Hadhwanaag, waxaan waraysiga oo wakhti dheer qaatay uu Prof.Axmed Ismaaciil Samatar, uu ugu horayntii ku yidhi  “ Aniga Xamar waxa iigu danbaysay biishii tobnaad ee sanadkii la soo dhaafay ilaa hadana kumaan noqon, Waxaanan ugu noqon waayay hawlo kale ayaa aniga I haysta oo aan doonaayay inaan ka gun gaadho danta umadda Soomaalidu meelo badan ayay taalaa ee baarlamaanka Muqdisho uun ma taalo, markaas waxaan goostay inaan baarlamaankii dib uga noqdo warqadii aan kaga baxaayayna waan qoray gudoomiyaha baarlamaankana waan gaadhsiiyay markaas sidaas ayaanan Xamar ugu noqonin. Anigu baalamaanka inkasta oo aan ixtiraamayo dadka Soomaaliyeed ee ku jira oo qaarkood oo aan aqaanba oo ay yahiin dad fariido ah oo aqoon leh oo qalbi wanaagsan hadana baarlamankaas 275 buuqiisa iyo hadalka is dhaafsan anigu aad ayaan u saluugay, sidii aniga laygu keenayna waan garanayaa oo cid I dooratay ma jirto ee xaafadbaa tidhi ninkaasu reerkuu ka mid yahaye hana loogu daro xaafaduna waa ay mahadsantahay, baarlamana sida lagu doortaa sidaas maaha ee waa in ay dad ku soo  doortaan buuqiisa iyo hadalka is dhaafsan anigu aad ayaan u saluugay, markaas waxaan is idhi waxii aad tamar yar leedahay iyo caqligaaga bal meel kale ka raadi.Aniguna shayga ugu danbeeya ee aan doonayo inaan ka fikiraa waxa weeye inaan warbuuxa ka helo dagmadii aan anigu ka imi ee aan ka dhashay iyo inaan Puntland tagi karo bal si aan dadkaasna u soo waraysto, markaas bal inaan umadda Soomaalida aan dib wax isugu soo baro, waan aqaanaa oo in badan ayaan wax ka qorayay  xaga maskaxdana waan ka aqaanaa laakiin indhahayga iyo dhagahayga anigoo u jooga inaan dalka soo arko waan doonayaa Xamar uuna umadda Soomaalidu maaha.”

Mar la weydiiyay bal inuu tagayo Somaliland, wuxuu yidhi  “ Arinta tagista Somaliland wali waa ay laalantahay haddiise aan dadkii soo arko waa dadkii aan ka dhashay, xabaalahii dadkii I dhalay inaan soo siyaarto oo aan quluwalaha u soo akhriyo oo shaah dushooda lagu cabo waa lagama maarmaan iyo umaddii Soomaaliyeed anigu da’baan joogaaye ee soo koraysay halkay taagan yahiin iyo siday yihiin inaan soo arko haddii ay taasi ii suuto gali karto, waxaana dhici karta inaan aduunka kale uga warami karo Somaliland waxay ku sugan tahay.”

Axmed oo ka jawaabaya waxa ka jira wararka sheegaya inay is arkeen Madaxweyne Siilaanyo wuxuu yidhi “Madaxweynaha ismaanu arkin, Londona iskumaanu arkin Washington iskumaanu arkin, markaas hadalkaas la sheegayaa waa mid aan waxba ka jirin. Waa laysku leeyahay in laysa soo salaamo laakiin wadanka Maraykanu aad buu u balaadhan yahay oo Washington waa ay iga fogtahay,telefoonkana waan ka salaamay oo waa laysku leeyahay in dalka laysku soo dhaweeyo, laakiin waxaan rajaynayaa in alle labadayadaba nagu simo wakhti aanu isa soo hor fadhiisano oo aanu si fiican u sheekaysano amuuro badan oo gobalka iyo degmadaas Somaliland ahba.”

Prof.Axmed Ismaaciil Samatar oo ugu danbayntii ka hadlaaya aragtidiisa siyaasadeed iyo haddii xil looga dhiibo Somalilandba waxa uu yidhi “ Anigu umaddii Soomaaliyeed ee balaadhnayd kama tagaayo, haddii aan ka tagona wax aan hayba garan maayo, meeshaan joogana Maraykan ama Hargeysa ama Muqdishoba damqashadu waa inay noqotaa mid aad umadda Soomaaliyeed u damqanayso, Hargeysa hadday tagid noqoto anigu shaqo uma tagaayo oo allena in igu filan waa uu I siiyay shaqo wanaagsan waan haystaa laakiin inaan la taliyo dawlada haddii lay siiyo fursadaas waan isku dayayaa, taasina waa igu waajib, xafiis laguu dhiibo oo dawladeedna isbarasho ayaa ka horaysa oo labaatan sano dhulkii maan arkin dadka hogaanka siyaasada ee Somaliland hayana labaatankaas sanadood ismaanu arkin markaas horta ha lays barto aniguna aan waramo iyaguna ha waramaan inta laysku yimaado, markaas halkaas waxii ka soo baxa ayaynu eedi doonaa.”

Comments are closed.