Abwaan Dhoodaan Oo Shalay Ku Geeriyooday Itoobiya

1
720

 

Picture5Jigjiga(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa shalay magaalada Harar ee dalka Itoobiya ku geeriyooday Abwaan Cabdillaahi Macalin Axmed (Dhoodaan), oo ahaa abwaan caan ah.

Marxuumku, wuxuu u geeriyooday xanuun uu muddooyinkii u dambeeyay u jiifay, waxaana la filayaa in aas loogu sameeyo magaalada Jigjiga oo uu degenyahay. Wasiir ku xigeenka warfaafinta Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa tacsi u diray guud ahaan bahda fanka iyo shacabka iyo qoyska uu ka geeriyooday Marxuum Cabdillaahi Dhoodaan.

Abwaan Cabdullaahi Dhoodaan waxa uu ka mid ahaa hal abuurka Soomaalida ee caanka ku ah curinta suugaanta, khaasatan waxaa uu abwaanku kaalinta hore kaga jiray abwaanada ka gabyey dhan walba oo nolosha ah, si gaar ah wuxuu caan ugu ahaa gabay jacburka.

Abwaan Dhoodaan, wuxuu qiyaastii sanadkii 1941, ku dhashay miyiga Wardheer ee ismaamulka Somalida Itoobiya.

Comments are closed.