Sheekh Aadan-Siiro Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Ay Shaqaaqadu Dhex Martay

0
571

Picture3Hargeysa(Geeska)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan-Siiro), ayaa beelaha walaalaha ah ee uu dagaalku ku dhex maray bariga dalka u diray baaq nabadeed oo ah inay joojiyaan khilaafka.

Sheekh Aadan, wuxuu sheegay inay labada beelood ee ay dirirtu dhex martay yihiin dad walaalo ah oo aan sinaba u kala maarmin. “Waxaan dadkaas walaalaha ah u dirayaa baaq nabadeed, waxaanan leeyahay walaalayaal joojiya colaadda oo wada hadalka xoojiyo, waxaad tihiin dad walaalo ah oo aan sinaba u kala maarmi Karin. Sidaas darteed waxaan idiinku baaqayaa inaad ka dheerataan wax kasta oo dadka sii kala fogaynaya, arrintana ku soo dabaashaan wanaag iyo wada hadal.” Ayuu yidhi Sheekh Aadan.

Dhinaca kale, wuxuu Sheekh Aadan hambalyo u diray ciidamada kala duwan ee Somaliland ee kala dhex galay labada beelood. “Hambalyo ayaan u dirayaa ciidamada qaranka ee sida wanaagsan u kala dhex galay beelaha walaalaha ah.” Ayuu yidhi Sheekhu.