Hargeysa: Dabley Hubaysan Oo Xalay Degmada Axmed Dhagax Ku Dilay Nin

0
517

Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa xalay cawayskii ay kooxo hubaysani ku toogteen magaaalada Hargeysa Marxuum magaciisa lagu sheegay Maxamed Sheekh Axmed (Maxamed Nadiir). Waxaanu dilku ka dhacay degmada Axmed Dhagax.

Kooxaha hubaysan ayaa la sheegay inay marxuumka ku dhufteen dhawr xabadood oo rasaas ah, kuwaas oo uu markiiba u geeriyooday. Ciidamada Booliska ayaa la sheegay inay raadinayaan dambiilayaasha falka gaystay, waxaanay Boolisku baadhis ku hayaan sidii ay u heli lahaayeen budhcadda falka gaysatay.