Ololaha Doorashada Djibouti Oo Xalay La Soo Xidhay

0
565

Djibouti(Geeska)-Dowladda Djibouti ayaa shalay sheegtay in ololihi doorashada madaxweynaha uu xalay saqdii dhex soo xidhmay, sida uu qabo sharciga doorashada.

1

Dowladdu waxey sheegtay inay sharciga lala tiigsan doonto cidii u hogaansami weyda waqtiga dhammaadka ololaha.

Doorashada Djibouti ayaa waxaa ku loolamay lix musharax oo uu ku jiro madaxweynaha iminka talada haya Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa u muuqda inuu yahay murashaxa ugu taageerada badan, waxaanay dadweynaha reer Djibouti doorashada u dareerayaan jimcaha beri haddii Alle idmo.

Doorashadan ayaa u muuqada mid xamaasad wadatay, waxaana geesta kale Djibouti gaadhay goob-joogayaal tiro badan oo indha indhayn doona qaabka ay doorashadu dalkaas uga qabsoomi doonto.