Sheekada Aabbo Inantiisa Oo Naafo Ah U Dhisay Beer Dalxiis Iyo Ciyaareed Oo Aad U Qurux Badan

0
1047

Washington (Geeska)- Aabo u dhashay Maraykanka ayaa faraha ka qaaday shaqadiisii iyo hawlo ganacsi oo uu ku jiray si uu ugu gacan baxo goob dalxiis oo uu u dhisay inantiisa oo naafo dhinaca maskaxda ka ah. Aabahan oo lagu magacaabo Gordon Hartman ayaa sannadkii 2005 iibiyey shirkad ka shaqaysan jirtay kirada guryaha waxa aanu bilaabay in uu San Antonio oo ka tirsan gobalka Texas ka dhiso mashruuc ballaadhan oo isugu jira dalxiis, maaweelo iyo ciyaaro jidheed oo loogu talogalay ubadka naafada ah.

Gordon waxaa go’aankan ku riixay murugo badan oo uu ka qaaday carruurtii badqabtay oo uu arkay in ay diidaan ama aanay xiisaynayn in ay la ciyaaraan inantiisa Morgan. Waqtigaas oo ahaa 2007 inantiisu waxa ay jirtay 12 sano waxa aana ku dhacay cudurka afka qalaad Autism ka lagu yidhaahdo oo carruurta ka faquuqa bulshada, kadib marka ay maskaxdoodu garan weydo sida ay tahay in ay carruurta kale iyo guud ahaanba bulshada ula xidhiidhi karaan.

Gordan waxa uu sheegay in ujeedadiisa koowaad ay ahayd in uu helo goob carruurtu ku ciyaari karto oo ciyaaraha yaalla ay kala duwan yihiin, si simanna carruurta naafada ah iyo kuwa aan ahayni ugu wada ciyaari karaan iyada oo aanay naafanimadu ciyaaraha qaar ilmaha ka reebayn.

Saddex sano oo shaqo adag uu waday kadib Gordon waxa uu hawsha dhismaha goobtan dalxiisinta iyo ciyaarta carruurta dhammaystiray sannadkii 2010, iyada oo lacagta ku baxdayna dhan tahay 34 milyan oo doolarka Maraykanka ah, laakiin Gordon waxa uu sheegay in dhibtii iyo lacagtii badnayd ee kaga baxdayba uu ku illaaway farxadda iyo qosolka uu ku arko carruurta yaryar ee naafada ah ee la keeno goobta oo hore aan u heli jirin goobo ay ku ciyaaraan iyaga oo aan dareemayn in ay la siman yihiin ubadka la ciyaaraya ee aan naafada ahayn.

Xanuunka Autism ka ayaa koritaankii maskaxda Morgan ku joojiyey maskaxda ilmaha 5 jirka ah, laakiin waxa ay hadda sida carruurta kale ugu ciyaari kartaa fuulitaanka tareenka carruurta, baaskiiladaha, dabbaasha iyo ciyaaraha kala duwan ee ku yaalla goobtan oo ku fadhida dhul bedkiisu dhan yahay 318 mitir oo isku-wareeg ah. Goobtan waxa uu Gordan u bixiyey ‘Morgan Wonderland’ dhulkii la yaabka ee Morgan. Waxa aanu mar kasta ku sameeyaa horumarin iyo in uu waxyaabo cusub ku soo kordhiyo, isaga oo dhowaanna ku soo garay goob biyo fadhiisin carruurtu geli karto ah oo uu u bixiyey, Jasiiradda Morgan.

Gordon oo ka hadlay dareenkiisa imika ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu carruurta naafada ah ee inantiisu ka mid tahay u sameeyo goob ay ku farxaan oo iyaga oo aan takoor dareemayn ay samayn karaan wax kasta oo ay sameeyaan carruurta kale ee la midka ah ee iyaguna goobtan u imanaya dalxiiska iyo ciyaarta.