Shaqooyin Laga Yaabo In Aanu Damiirkaagu Ku Dhiirradeen Oo Mushaharooyin Yaab Leh Lagu Helay (2)

0
767

Hargeysa (Geeska)- Waa Qormadii labaad ee uu wargeyska Geeska Afrika uu akhristayaashiisa kula wadaagayey dhowr ka mid ah shaqooyinka la yaso oo dadka qabtaa ay ku helaan adduun aad uga sarreeya ka ay helaan dadka ku shaqeeya xirfadaha sare iyo shaqooyinka sumcada leh, sirtuna waa keliya in qofku shaqada iimaansado, una arko in ay tahay shaqo dakhli samayn karta, kadibna dadaalkeeda la yimaadda:

1. Nijaar sannadkii dakhligiisu yahay Nus Milyan doolar:

Waxaa laga yaabaa in adiga ama cidda kaa ag dhowi aanay abidkeed habeenna ku riyoon in ay nijaar noqoto, waxaa la og yahay in ay tahay shaqo dhib badan, isla markaana aan laga filan dakhli buuran, laakiin su’aashu waxa ay tahay, Talow aragtidaadaas hore maad beddeli, haddii aad ogaato in dakhliga sannad laha ah ee nijaarku uu Afar ama Shan laab ka badan karo dakhliga tusaale ahaan, dhakhtarka? La soco…

Waxa ay u dhowdahay in adiga iyo dad badan oo kalaba aydaan maalinna ku riyoon in aad nijaar noqotaan, waa dhab in dad badan oo kaa wanaagsan ama kula mid ahi ka shaqeeyaan, laakiin waa mihnad aad u dhib badan, isla markaana ma’aha shaqooyinka dakhliga badan laga fisho. Laakiin Malaga yaabaa in aad xisaabtaada iyo aragtidaada dhinaca shaqooyinka dib ugu noqoto haddii aad ogaato in dakhligaaga sannadlaha ahi uu Afar ama Shan Laab ka badan karo dakhliga uu qaato, tusaale ahaan dhakhtartku. Dalka Maraykanka, gaar ahaan, gobolka New York, ayaa heesaaga caanka ka ah ee David Lee uu sheegay in mushaharka ugu yar ee uu qaato nijaarka sameeya masraxa ee New York ay tahay 300 oo kun oo doolar sannadkii, halka mushaharka la siiyo khabiirka dhinaca samaynta tiirarka iyo looxaa laga sameeyo masraxu uu sannadkii yahay 400 oo kun oo doolarka Maraykanka ah. Isaga oo heesaagu si gaar ah uga hadlaya lacagta la siiyey nijaarkii Foormaanka u ahaa nijaariintii samaysay masraxa caanka ah ee Metropolitan ay ahayd 500 oo kun, lacagtaasi waxa ay ka badan tahay lacagta mararka qaarkood la siiyo dhammaan nijaariinta masraxa samayntiisa ka hawlgalaya.

Arrinta yaabka lihi waxa ay tahay in Nijaarku aanu inta badan can noqon, dadka tiradada badan ee iminaya guriga murtida iyo madadaallada ee xiisaynaya suugaanta iyo majaajillada socotaana aanay mar keliya isba weydiin bal cidda farsamaysay masraxa quruxda badan ee uu caawa ka daawanaya heesaha iyo murtida kale ee uu jecel yahay, xataa haddii uu arko in uu u samaysan yahay hab aad u qurux badan oo indhihiisa soo jiitay. Waxa aabay gaadhaa; dadkan masraxa imanaya ee ammaanaya qaabka uu u samaysan yahay, haddana aan aqoonin ciddii samaysay, in ay mararka qaarkood haddii ay soo maraan nijaariinta oo samaynaysa masraxii ay u arkaan dad masaakiin ah oo shaqo aad u dhib badan ku mashquulsan.