Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii Afaraad ee qormadii uu Geeska Afrika kaga waramayey sagaal madaxweyne oo Maraykanka soo maray, oo xilka ka hor soo maray shaqooyin qallafsan oo marka imika magacooda la xasuusto aanay rumaysashadoodu maskaxda ku soo degdegeyn.
4. Herbert Hoover, Madaxweynihii doobiilaha ahaa:
Hoover yaraantiisii ayaa isaga iyo nin ay saaxiibbo dhow ahaayeen ay shuraako ku noqdeen shirkad iibisa isla markaana dayactirta qalabka dharka lagu tolo ee dawaarka. Nasiib darro markii ay muddo shirkaddani socotay ayaa ay kacday. Mana’ aha maalgashiga keliya eek a kacay madaxweynahan mustaqbalka.
Hoover oo ahaa madaxweynihii 31aad ee dalka Maraykanka ayaa sannadkii 1891kii waxa uu is qoray jaamacadda Stanford, in kasta oo ay xilligaas waxbarashadu bilaa lacag ahayd, haddana ardayda waxaa laga rabay in ay iska bixiyaan kirada qolalka ay degeyaan muddada ay jaamacaddu socoto, iyo sidoo kale buugaagta iyo agabka kale ee waxbarashada. Si uu kharashkan isaga bixiyo Hoover oo qoys faqiir ah ka dhashay waxaa qasab ku noqotay in uu xoogsdo. Waxa uu nqday Doobiile, oo dharka ayaa uu lacag yar ugu maydhi jiray ardayda kale ee jaamacadda la dhigata. Mar dambe haddana waxa uu noqday gacanyare wargeysyada qaada oo u geeya dadka biilasha ku qaata, waxaanu lacag yar ka qaadan jiray shirkadda soo saaraysa wargeyska uu qaado.
Aakhirkii Hoover mishiinnadii uu dharka ku maydhi jiray ayaa uu arday kale ka iibiyey, lacagtii uga soo baxdayna waxa uu sikaga biixiyey kharashkii qalinjebinta jaamacadda, waxaana lacagtaas uga soo hadhay $40 keliya.
Qalinjebintii kadib Hoover waxa uu shaqo ka helay shirkad dhulka hoostiisa ka soo saarta macdanta oo ka shaqayn jirtay gobolka California, shaqada uu shirkaddan u hayey waxa ay ahayd in uu riixo gaadhigacan macdanta la soo qodo lagu soo guri jiray, waxa aanu maalintii mushahar u qaadan jiray 2 doolar, isaga oo saacadaha shaqada ee maalintiina ay celcelis ahaan noqonaysay 10 saac maalin kasta. La soco madaxweyne kale iyo cadadka dambe…