Shaqada Habeennimo Waxa Ay Keentaa Khataro Caafimaad Oo Cudurka Buurnidu Ka Mid Yahay

0
1050

Hong Kong (Geeska)- Cilmibaadhis ay sameeyeen xeeldheerayaal caafimaad oo u dhashay dalka Shiinaha ayaa daahfurtay in dadka shaqadoodu habeennimada tahay ay ku badan tahay khatarta ah in ay ku dhacdo buurnimada cudurka ahi. Cilmibaadhistan oo xeeldheerayaasha sameeyey ay ka tirsan yihiin jaamacadda China University oo ku taalla gobalka Hong Kong ayaa natiijadeeda arbacadii toddobaadkii ina dhaafay lagu baahiyey Joornaal ka faallooda xaaladaha caafimaad iyo buurnimada oo lagu magacaabo Obesity Reviews, sida uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Alcarabiya.

Dib-u-eegis iyo daraasayn ay xeeldheerayaashu ku sameeyeen 20 cilmibaadhisood oo hore baadhis cilmiya ugu sameeyey xaaladda caafimaad ee boqollaal kun oo ka mid ah dadka shaqadoodu habeenkii tahay, kuwaas oo ku nool daafaha dunida oo dhan.

Daraasaddu waxa ay iftiimisay in dadka habeenkii shaqadoodu tahay ay boqolkiiba 35 kor u kacdo khatarta ah in uu koro miisaan aad u badan. sababta ugu weyna waxa ay khubaradu ku sheegeen saamaleylka oo carqaladeeya shaqada maskaxdu ay ku soo saarto hormoonka Melatonin, iyo dhaawac ay hurdo la’aantu u geysato awoodda ka faa’idaysiga cuntada ee uu jidhku leeyahay oo ah shaqada afka cilmiga lagu yidhaahdo ‘Dheefsashada’. Waxa aanay taasi keentaa in miisaanka qofka shaqadiisu habeenkii tahay uu si degdeg ah kor ugu socd.

Dr. Laab Tisii oo hoggaaminayey xeeldheerayaasha cilmibaadhistan sameeyey ayaa sheegay in tijaabooyinkii ay sameeyeen ay ku ogaadeen in dadka hore miisaankoodu u sarreeeyey, markii ay shaqadii habeennimo iska joojiyeen la dareemay in miisaankoodu uu aad hoos ugu dhacay. Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in buurnidu ay tahay xanuun qofka ku keena xaalado caafimaad oo ay ka mid yihiin kansarka naaska ku dhaca iyo xanuunnada wadnaha.

Dr. Tiisi oo ka hadlayey sababta ay shaqada habeennimo dhibaatada gaarka ah ugu yeelatay caafimaadka, ayaa sheegay in ilays-gacmeedku (Ilayska samayska ah) uu khalkhaliyo saacadda abuurka ah ee jidhku ku jaangooyo hawlqabadkiisa, taas oo sababta in uu yaraado hormoonka Melatonin oo ah hormoonka hurdada qaabilsan, laguna naanayso hormoonka hurdada. Faa’idooyinka hormoonkan melatonin waxaa ka mid ah in uu nidaamiyo hurdada, in maskaxdu ay si nidaamsan oo joogto ah u soo deyn weydaana waxa ay dhaawacdaa dheefshada, waxaana markaas marka uu miisaanka jidhku sida xawliga ah u kordhayaa.