Shan Nooc Oo Ka Mid Ah Faytamiinnada Ilaaliya Caafimaadka & Quruxda Maqaarka Iyo Cuntooyinka Laga Helo : Diyaariye Kamaal Axmed Cali

0
645

 

VATAMINSHargeysa (Googooska Geeska)- Waxa ay khubarada caafimaadku sheegayaan in ay jiraan shan nooc oo ka mid ah Faytamiinnada oo awood u leh in uu jidhku la dagaallamo gabowga, kuwaas oo muddada ugu dheer ee suurtogalka ah maqaarka ku ilaalinaya dhalinyaronimada. Maqaarku awood buuxda uma laha in uu samayst faytamiinnada uu u baahan yahay, sidaa awgeed waxa uu mar kasta gacan ka sugaa cuntada oo uu ka raadsado faytamiinnadaa.

 

Waxaa ka mid ah Faytamiin C oo isagu si weyn unugyada maqaarka uga difaaca dhibta ka soo gaadhi karta fallaadhaha qorraxda, Faytamiin C waa kan ugu muhiimsan ee maqaarka ku ilaalin kara dhalinyaronimada iyo in aanu midabkiisa darayga ahi ka tagin. Qoraalkeenan waxa aynu ku baranaynaa qaar ka mid ah faytamiinnada muhiimka u ah caafimaadka iyo qurxinta maqaarka iyo weliba cuntooyinka ugu habboon ee laga heli karo:

Faytamiin C:

Cuntooyinka laga helo waxaa ka mid ah saytuunka, liin macaanta, baydariinta, Cananaaska IWM.

Faytamiin E:

Faytamiin E waxa uu maqaarka ka ilaaliyo dhibaatada ka iman karta fallaadhaha qorraxda, wasakhowga cimilada iyo maaddooyinka kale ee burburin kara unugyada maqaarka. Faytamiin E waxtarkiisu waxa uu sii bataa marka uu la falgalo faytamiin C ga. Cuntooyinka laga helana waxaa ka mid ah, Qamandiga, Cananaaska, Maangaha, Saliid saytuunta iyo Fuul Suudaaniga.

Omega 3:

Omega3 waxa uu maqaarka ka dhigaa qoyaan dhalaal fiican leh, cuntooyinka laga helana waxaa ka mid ah, lawska, kalluunka, gaar ahaan noocyada aan lahayn dufanka badan, Shaah Akhtarka, IWM.

FG: Biyaha la cabbo ayaa iyaguna si weyn u ilaaliya caafimaadka maqaarka iyo quruxdiisa, waxa ay giijiyaan maqaarka oo ay ka ilaaliyaan coodh-coodhka, waxa ay kordhiyaan dhalaalka maqaarka, waxa aanay ka ilaaliyaan inta badan ee astaamaha gabowga.