Madaxweyne Siilaanyo Iyo Golihiisa Wasiirada Oo Isku Raacay Inay 70% Fuliyeen Balanqaadkoodii Wax Qabad Iyo Doodda & Su’aalaha Ka Dhashay

1
3952

 

dhanadHargeysa(Geeska)-Madaxtooyada Somaliland ayaa xalay cawayskii soo saartay war-murtiyeed laga soo saaray gunaanadka shirkii Madaxweynaha iyo xukuumadiisa u socday saddexda maalmood, kaas oo loogu magac daray shirkii qiimaynta wax qabadka iyo qorshaha mustaqbalka.

 

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu xalay saxaafadda u akhriyay Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleban Dhuxul, waxa shirkaas laga soo saaray 12 qodob oo uu shirku isla qaatay, kuwaas oo uu ku jiro qodob sheegaya inay 70% la fuliyay balan qaadkii bulshada loogu balan qaaday.

Warsaxaafadeedkan oo aanu habayaraate ka muuqan qodob tilmaamaya qodobada ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo wax ka qabashadooda ku fashilantay ama ugu yaraan caqabada ku noqday, halkii laga filayay is qiimayn iyo isa sixid,waxay xukuumaddu la timid faan iyo balanqaadyo cusub ooh or leh, waxaana uu Wargeyska Geeska Afrika cadadyada soo socda ku samayn doonaa falanqayn iyadoo war-murtiyeedka la barbar dhigayo buuggii balan qaadkii KULMIYE ee wakhtigii ololihii doorashada. Balse, war-murtiyeedka ay xalay Madaxtooyadu soo saartay wuxuu u dhignaa sidan: Sida aad la socotaan waxaa caawa [xalay] kusoo gebageboobay qasriga Madaxtooyada shirkii qiimaynta wax-qabadka iyo qorshaha mustaqbalka, shirkaas oo socday mudo sadex maalmood ah, oo uu gudoominayay Madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Silanyo. Waxaa kasoo baxay war-murtiyeedkan:

Shirka waxa lagu soo bandhigay wax-qabadkii Xukuumadda ee labadii sano ee la soo dhaafay, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray halka ay marayaan adeegyada bulshadda ee degmo kasta ilaa heer tuulo.

Shirku wuxuu isla qaatay in la fuliyey balanqaadyadii Bulshada loogu balanqaaday shanta sano 70%.

Shirku wuxuu isla qaatay in wax laga qabto 130 qodob, kuwaas oo saldhig u noqon doonna Siyaasadda sanadka cusub ee 2013.

Shirku wuxuu isla qaatay  adkaynta nabadgelyadda, la dagaalka argagixisada/budhcad-badeeda  iyadoo kor loo qaadayo tayada Hay’addaha  amaanka, lana xoojiyo xidhiidhka dhexdooda.

Shirku wuxuu isla qaatay in Gobollada Sool, Sanaag-bari  iyo Buuhoodle laga sii wado nabadaynta iyo maamul-fidinta, iyadoo xoogga la saarayo dhinaca horumarinta.

Shirku wuxuu isla qaatay in Horumarinta Cadaaladda, toosinta  iyo kobcinta garsoorku, ay aasaas u tahay kor u qaadida milgaha Cadaaladda iyo  madax bannaanida garsoorka.

Shirku wuxuu isla qaatay In la sameeyo barnaamij shaqo abuur, si xal loogu helo mushkilada dhalinyarada, iyadoo xoogga la saarayo kobcinta dhaqaalaha Dalka, wacyi-gelinta Bulshada iyo la-dagaalanka faqriga.

Shirku wuxuu isla qaatay in qarankani baahi weyn u qabo sidii loo heli-lahaa cunto ku filan, iyadoo taa laga duulayana in sanadka cusub xoogga la saaro wax-soo-saarka (Sida, Beeraha, Kalluumaysiga iyo Xoolaha), iyadoo la samayn doono barnaamij u gaar ah, oo tusmo iyo tixgelin ku leh Miisaaniyadda Qaranka ee 2013.

Shirku wuxuu isla qaatay in la dejiyo siyaasadii guud ee dhulka lana illaaliyo degaanka. 

Shirku wuxuu isla qaatay in bartilmaameedka 1aad yahay aqoonsi buuxa oo Somaliland ka hesho dunida, in la sameeyo dib-u-habayn iyo diyaarinta siyaasad qorshaysan, xidhiidh fur-furan iyo iskaashi fiican oo ku wajahan dhinacyada kala duwan ee Beesha Caalamka, sida Africa, Dunidda Carabta, Yurub, America, Urur Goboleedka IGAD, AU iyo jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa. Sidoo kale in la xoojiyo doorka qurba-jooga Somaliland ka qaadan karo ictiraafka.

Shirku wuxuu isla qaatay in sanadkan Siyaasadda miisaaniyadda 2013 ku salaysnaato, xoogana la saaro nabadgelyada, horumarinta Cadaaladda, xoojinta Siyaasadda arrimaha dibedda, Horumarinta Gobollada bariga (Sool, Sanaag bari iyo Buuhuudle),  kor u qaadida shaqo abuurka iyo wax-soo-saarka.        

Shirku wuxuu isla qaatay ahmiyada ay doorashooyinka xorta iyo xalaasha ahi u leeyihiin qaran, sidaa darted xukuumada waxaa ka go’an in doorashooyinka Dawladaha Hoose ugu qabsoomaan si nabadgelyo ah xiligii loo cayimay.”

Comments are closed.