“Haka Xanaaqina Oo Haku Xajiimoonina, Waxaan Waliba Hortiina Ka Cadaynayaa Inaan Diyaar U Ahay Inaan Mid Sadexaad Ku Darsado”

0
4061

 

abti kadaaLondon(Geeska)-Guddoomiyaha golaha wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo sidoo kalena ah guddoomiyaha ururka WADANI, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu xil saddexaad oo aanu magacaabin ku darsado labada xil ee ay ururada siyaasadda qaarkood sharci darro ku tilmaamaan.

 

Md. Cirro, oo hadal kooban ka jeediyay xaflad loogu qabtay dalka Ingiriiska oo uu ku suganyahay, wuxuu sheegay in urur siyaasadeedka WADANI yahay urur masuul ah oo ay aasaaseen siyaasiyiin miisaan leh oo dalka saamayn ku leh.

Isagoo guddoomiye Cirro ka hadlaya labadiisa xil ee Wakiilada iyo Wadani, wuxuu yidhi “ Niman aanu saaxiibo nahay ayaa ku xajiimooda marka la yidhaahdo gudoomiyaha golaha wakiilada ahna gudoomiyaha urur siyaasadeedka Wadani.”, wuxuu Cirro, intaas raaciyay “Markaas waxaan leeyahay waxba haka xanaaqina waxbana haku xajiimoonina,  waxaan waliba hortiina ka cadaynayaa inaan diyaar u ahay inaan mid sadexaad ku darsado.”

Md. Cabdiraxmaan Cirro, waa markii labaad ee mudadii uu ku sugnaa dalka Ingiriiska uu ka jawaabo hadal hayntiisa labadiisa xil ee guddoonka wakiilada iyo guddoonka urur siyaasadeedka Wadani.