Ragga Oo Lagula Taliyey In Aanay Gadhka Iska Xiirin Marka Ay Dhergaan, Iyo Waqtiga Ugu Fiican Gadh Xiirista

0
755

Picture4Hargeysa (Geeska)- Daraasad natiijadeeda lagu faafiyey bar internet-ka ah oo ka faalloota daryeelka maqaarka oo ay maamulaan dhawr urur oo fka shaqeeya qurxinta iyo daryeelka caafimaad ee maqaarka ayaa lagu sheegay in dhereggu saamayn taban ku yeelan karo gadh xiirashada ninka.

Bartan internet ka oo ay qoraalkeeda iska kaashadaan ururro ka shaqeeya daryeelka caafimaadka maqaarka ayaa iyada oo iftiiminaysa sababta iyo sida uu dhereggu saamayn ugu yeelan karo gadh xiirashada waxa ay tidhi, “Marka ay cuntadu gasho caloosha waxaa markaba bilowda shaqada dhiif-shiidka ee ah in uu burburiyo cuntadaas. Marka ay shaqada dheefshiidku si fiican u wada bilaabato waxaa kor u kaca garaaca wadnaha iyo xawaaraha wareegga dhiigga.  Haddaba maadaama oo dhiig badan oo xawli ku socdaa uu marayo halbawlayaasha iyo dhammaan xididdada dhiigga qaada oo ay ku jiraan kuwa mara wejiga iyo gadha meelaha laga xiirayo waxaa laga baqayaa khatarta ah in qofku uu is jaro, kadibna dhiig badan oo aanu ka maarmayni uu ka yimaadd. Ugu dambaynti iwawxa ay khubaradu ku taliyeen in si dhibtaas looga hortago ay fiican tahay in gadhka la xiirto xilliyada cunto cunista ka horreysa.