Hargeysa (Geeska)- Waqti aan aad u sii fogeyn sinnaanta ragga iyo dumarka ee ay dalalka reer galbeedku maanta sida aadka ah uga hadlaan waxa ay dhulkooda iyo dhaqankooda ka ahayd arrin aanay cidina tixgelin. Waxa soo dhowaatayba markii ay dumarka Maraykan iyo dalal badan oo reer galbeedka ka mid ah dumarka ay mamnuuca ka ahaayeen arrimo door ah oo ay shabakadda wararka ee scoop news ku faahfaahisay qormadan uu Geeska Afrika turjumay:
1. Yeelashada kaadhka aaminaadda ee bangiyada (Credit Card)
Bilowgii markii uu soo baxay kaadhka aaminaadda bangiyada ee ‘Credit Card’ afka qalaad lagu yidhaahdo, dumarka da’ kasta oo ay yihiin looma ogolayn in ay kaadhkan samaystaan. Haddii laga fursan waayo waxaa ku xidhnaa shardi aan la dhaafi karin oo ah in uu nin masuul ka ahi la saxeexo warqadda codsiga kaadhka.
Takoorkan dumarka ka haystay la macaamilka bangiyadu waxa uu Maraykanka iyo qaaradda Yurub ka dhammaaday sannadkii 1974-kii.
2. Uurka iyo shaqada
Waxaa dunida reer galbeedka meelo badan oo ka mdi ah ka jiri jirtay in gabadha uurka lihi aanay wax xuquuq iyo ixtiraam sharci ah ku lahayn loo shaqeeyaha, tusaale ahaan waxa ay u badnayd in marka gabadhu uuraysato shaqada dhaqso looga eryo, iyada oo lagu andacoonayo in uurku wax u dhimayo wax-soo-saarkeedii shaqada. Sannadkii 1978-kii ayaa ugu horreysay markii la soo saaray xeerar sharci oo gabadha uurka leh xuquuqdeeda shaqo dhawraya, iyo weliba in loo shaqeeyaha ay qasab ku tahay in uu fasax umusha siiyo iyada oo umul ka baxa kadib shaqadeeda aan loo diidayn.
3. Dumarka iyo ciyaarta kubbadda cagta
Sannadkii 1921-kii ayaa kubadda cagta laga dhigay ciyaaraha aan ku habboonayn jidhka gabadha, iyada oo taas laga duulayo ayaanay dalalka reer galbeedku gabadha ka mamnuuceen in ay ciyaarto kubadda cagta.
Laakiin markii uu dhacay dagaalkii labaad ee adduunka ayaa ay qasab noqotay in xeerkaas dib loogu noqdo. Sababtuna waxwa ay ahayd duruufihii dagaalka ka dhashay oo ay ka mid tahay raggii dhalinyarada ahaa oo jiidaha hore ee dagaalka tegey, ayaa sabab u noqday in dumarku ay fursad u helaan in ay ciyaaraan kubadda cagta oo garoomada madhan ku maarraroobaan. Xilliyadaas dagaalkii lbaad ee adduunku socday ayaana ugu horreysay markii dumarka loo ogolaaday in ay kubadda cagta ciyaaraan.
4. Xaqa doorashada
Dastuurrada iyo xeerarka kale ee dunida maanta lagu dhaqmo, qodobbada ugu badan ee dal kastaa uu ku xuso waxaa ka mid ah in muwaadin kastaa (Rag iyo Dumar) uu xaq dastuuriya u leeyahay in uu wax doorto iyo in la doorto labadaba. Laakiin waxaa jiray waqti aan fogeyn oo dunida reer galbeedka oo Maraykanku ku jiraa aanay sharci ahaan ogolayn in gabadhu wax doorato iyo in ay doorasho isu soo sharraxdo labadaba.
Waxa ay xeerarkani dhigayeen in doorashadu ay tahay xaq ragga oo keli ahi leeyihiin. Laakiin muddo dheer ka hor ayaa ay dalalkan dumarkoodu bilaabeen in ay u dagaalamaan sidii xeerkaas loo beddeli lahaa. Aakhirkiina waa ay ku guulaysteen in shuruucdaas la beddelo in kasta oo ay ahayd waqti aan fogeyn. Tusaale ahaan dalka Maraykanka in kasta oo sannadkii 1920 kii diidmada dumarka loo diidayo doorashada loo aqoonsaday in ay qaru-dastuuri tahay, haddana xaqaas codaynta iyo is-sharraxaadda waxa si buuxda loogu fasaxay sannadkii 1980-kii.