Ganacsade Chinese ah Oo Iibsaday Kooxda Southampton

0
1465

 

 

Jisheng Gao oo ah ganacsade Shiinays ah iyo qoyskiisa ayaa dhamaystiray heshiiskii ay ku iibsan lahaayeen kooxda Southampton 80%.Bishii January ayay shirkadda Lander Sports Development ee uu leeyahay Gao sheegtay in iibka lagu heshiiyay, laakiin la wareegitaankani uu hadda yahay maalgalin shaqsi.

"Maanta wakhti cusub oo ifaya ayaa u billawday naadiga" ayay tidhi Katharina Liebherr oo kooxda Southampton ka dhaxashay aabaheed Markus, sannadkii 2010-kii.

Gabadhan oo lahayd mulkiyada kooxda Southampton ayaana sii lahaan doonta 20%, halka ay 80% kale ka iibisay Jisheng Gao iyo qayskiisa.

Southampton ayaa soo bandhigtay xili ciyaareedkii hore ciyaar fiican, waxaana jooga xidigo jidh ahaan iyo xirfad ahaanba sii wadan kara, iyadoo la rajaynayo in ciyaartooyo cusub uu keeno Mulkiilaha cusb.