Shalay: Lix Masuul Oo Soo Shaqo Tagay Saacadihii Sharcigu Jideeyay Iyo Liiska Wasaaradihii Haawanayay :Warbixin: Weriye Cumar M. Faarax

0
592

WASIIROWasaaradaha iyo Ha’yadaha dawliga ah ayaa bishan barakaysan ee Ramadaan bilaabay inay lumiyaan saacadaha hore ee shaqada dawladda, waxaana shalay kormeer aanu ku soo maray dhammaan xarumaha Ha’yadaha dawliga ahi intooda badani ay ahaayeen qaar albaabadu u xidhnaayeen, qaarna waxa joogay shaqaale yar, hase yeeshee waxa xafiisyadooda ku sugnaa lix masuul oo kaliya oo soo shaqo tagay abaaro 7:00 subaxnimo oo ah wakhtiga sharciga ah ee xeerka shaqaaluhu dhigayo.

Kormeerkan oo aan wasaaradaha ku soo maray 7:00 subaxnimo illaa 8:20 daqiiqo waxa kaliya oo xafiisyadooda ku sugnaa Wasiirka Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Warfaafinta Iyo Wacyigelinta Md. Boobe Yuusuf Ducaale, Maareeyaha warshadda Laydhka Maxamed Axmed Aadan (Wali), Maareeyaha Madbacada qaranka Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Caray), Maareeyaha wakaalada Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis, Guddoomiye Ku xigeenka Gobolka Maroodi-jeex Rashiid Axmed Maxamed.
Waxa xusid mudan in Ha’yadaha shaqaalaha dawlada oo ah xafiiska u xil saaran ilaalinta saacadaha shaqada uu ahaa mid albaabadu u xidhnaa oo aanay cidiba ku sugnayn.

Wasaarada xafiisyadoodu xidhnaayeen ee aanay cidiba ka soo shaqo tagin waxay kala ahaayeen:-
1)-Wasaaradda Duulista Hawadda.
2)- Wasaaradda Boosaha Iyo Isgaadhsiinta
3)- Wasaaradda Caafimaadka
4)- Wasaaradda Arrimaha dibadda.
5)- Wasaaradda Dib u dejinta.
6)- Wasaarada Diinta iyo awqaafta.
7)- Wasaarada Cadaalada.
8)- Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada.
10)-Wasaarada Kalluumaysiga.
11)- Wasaarada Qorshaynta qaranka.
12)- Wasaarada Arrimaha Gudaha.
13)- Wasaarada Macdanta iyo Biyaha
14)- Wasaarada Xanaanada Xoolaha.
15)- Wasaarada Maaliyadda.
16)- Wasaarada Ganacsiga
17)- Wasaarada Beeraha
18)- Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guriyaynta
19)- Wasaarada Gaashaan-dhiga.
20)- Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.
21)- Wasaarada Horumarinta reer Miyiga.

Ha’yadaha dawlada ee xafiisyadoodu xidhnaayeen waxay kala ahaayeen sidan:-1)- Rugta Ganacsiga iyo warshadaha.
2)- Ha’yadaha shaqaalaha dawladda.
3)- Gudida Qandaraasyada qaranka.
4)- Komishanka xakamaynta AIDS-ka.
5)- Komishanka Maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa.
6) Xeer Ilaalinta Guud ee qaranka.
7)- Maxkamada Sare
8)- Xisaabiyaha Guud ee qaranka.
9) Hantidhawraha guud ee qaranka.

Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa la gudboon inay amar cad ka soo saarto loo ilaaliyo saacadaha shaqada ee xafiisyada dawliga ah.iyadoo Wasiirradu aanay saacadaha ay doonaan yimaadaan xafiisyada halkaasna uu ku baaqdo adeegyo badan oo ay dadweynaha u fulin lahaayeen.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa