Masuuliyiin Ururka Al-Islaax Ah Oo Hargeysa Kaga Dhawaaqay In Hogaankii Ururkooda La Kala Diray

0
764

imagesHargeysa(Geeska)- Xubno miisaan leh oo ka tirsan ururka Al-Islaax oo ah garabka Urur weynaha Akhwaanul-muslimiinta ee caalamiga ah ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen caasimadda Hargeysa waxa ay ku shaaciyeen in ay go’aan ku gaadheen in ay xayiraan masuuliyaddii guddoomiyaha ururkooda.

Xubnaha shirkan jaraa’id qabtay oo ahaa culimo qaarkood magac ku leeyihiin Somaliland oo ka tirsan masuuliyiinta ururka Al-Islaax  ayaa war murtiyeed ay saxaafadda ugu qaybiyeen shirkoodan jaraa’id waxa ay ku sheegeen in kulan ay isugu yimaaddeen xubno magac ku leh xarakada Al-Islaax ee Geeska Afrika, oo ay ku jiraan, labadii masuul ee ku xigay masuulka ururka ugu sarreeya iyo xubno aasaaska ururka qayb ka ahaa sida Sheekh Maxamed Axmed Nuur (Gadhyare) iyo weliba xubno ka mid ah golaha shuurada oo ay ku qiimaynayeen xaaladda hadda ee xarakada ayaa waxa ay soo saareen go’aamo isugu biyo shunanaya in maamulkii hore ee ururkooda ay shaqadii ka joojiyeen kuna baaqaya shirweyne guud.

Mar murtiyeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:

– Ka dib markii ay kulmeen xubno magac wayn ku leh xarakada islaamka geeska Africa“Al-islaax” oo ay ka mid yihiin labada muraaqib ku xigeen iyo inta badan xubnihii xarakada aasaasay oo uu hormood u yahay Sh.Maxamed Axmed Nuur “Maxamed Gadhyare” iyo xubno badan oo ka mid ah golaha shuurada xarakada iyo xubno badan oo ka mid ah dadkii xarakadan soo dhisay iyo culimo waawayn oo magac ku leh xarakada dhexdeeda oo ka wada hadlay xaaladda jamaacadu ku sugan tahay xiligan iyagoo u cuskanaaya qodobada soo socda waxay soo saareen Go,aamada  hoos ku qoran:

1. Annagoo fulinayna soo jeedintii guddida xaqiiqo raadinta golaha shuuradu u saaray daraasadda mashaakilka xarakada haysta iyo go’aamadii shuurada ee Feb 2012 ee arrintan ku aadanaa

2. Annagoo tixgelinayna soo jeedinta inta badan walaalihii ay la kulmeen guddida xaqiiqo raadinta xarakada dhexdeeda iyo nasteexooyinkookii.

3. Annagoo ka duulayna baahida loo qabo ra’yiga walaalo badan iyo talooyinkooda ku aadan sixidda dhibaatooyinka xarakada haysta xiligan.

4. Ka dib markii ay noo muuqatay in muraaqibku ka meermeerayo fulinta qaraarkii shuurada ee ku saabsanaa in isaga iyo ku xigeenadiisu hormood ka noqdaan sixidda wixii khalal haysta xarakada isagoo xubno gaar ah masaalixdooda iyo mawaaqiftooda xeerinaaya.

5. Annagoo dareensan in isfahamka iyo wadajirka jamaacadu meel adag maraayo, kana fikirayna samata bixinta xarakada.

6. Markii aanu aragnay khilaafka soo jiitamaayay tobankii sannadood ee u danbeeyay.

7. Annagoo rumaysan in xarakadu u baahan tahay isqiimayn wayn meesha ay marayso iyo waxyaalaha ka dhiman ee ay tahay in la buuxiyo amma la soo kordhiyo.

8. Annagoo ka werwersan fashilkii ku yimid shirkii shuurada ee caadiga ahaa ee bisha July 2012 iyo wixii keenay.

9. Annagoo la socona in xarakada dhexdeeda dhawrkii sanoba mar uu soo maraayey khilaafyo dad badan oo qiimo wayn leh ay xarakada kaga baxeen iyadoo mar walba dad gaar ah laga eedsheeganaayay, mar keliyana aan la helin xal dadka wada qanciya oo xarakada badbaadiya.

10. Annagoo fiirinayna duruufaha gobolka iyo caalamka ka taagan,waxaanu soo saaray Go,aamadan:

1.Waxaanu ku baaqaynaa in la isugu yimaado shirwayne ay ka soo qayb galaan xubnaha xarakadu gudo iyo dibadba si loo  gorfeeyo xaaladda xarakadu ku jirto sidii ay soo jeediyeen guddidii xaqiiqo raadinta ee golaha shuuradu saaray iyo xubno badan oo kale oo jooga gudaha dalka iyo dibadba

2.Waxaanu  xayirnay  (tajmiidinay) mas,uuliyaddii muraaqibnimo ee uu xarakada  u hayay Dr. Cali Bashe Cumar ka dib markii uu ku fashilmay inuu marxaladan hogaamin hufan la yimaado una muuqdo inuu masaalixda iyo mawqifka xubno gaar ah difaacayo

3.Waxa si ku meel gaadh ah mas,uuliyaddii muraaqibka xarakada u sii wadaaya Mu’asiska xarakada  Sh. Maxamed Axmed Nuur oo ay kaalinayaan labada muraaqib ku xigeen guddi ay ka mid yihiin inta shirweyne la isugu imanaayo

4.Waxaanu xubinnimadii xarakada ka xayirnay Dr. Cali Sheekh Axmed Abubakar ka dib markii ay caddaatay inuu xidhiidho qarsoodiya (Sir ah ) oo aan ujeedooyinkoodu caddayn la leeyahay jihooyin shisheeye oo aanay xarakada ujeedooyin wada wadaagin

5.Waxaanu xubinnimadii iyo mas,uuliyaddii uu xarakada u hayay ka xayirnay Mustafa Cllaahi Cali kaalinta uu ku leeyahay fidnooyinka ka jira xarakada koonfurta awgeed.

Go,aamadan waxa soo  saaray:

– Inta badan xubnihii aasaasayaasha

– Labada muraaqib ku xigeen

– Xubno badan oo shuurada ka tirsan

– Xubno fulinta ku jira

– Dad magac ku leh xarakada.