Saacada ugu badan iyo kuwa ugu yar ee Sannadkan dalalka kala duwan ee dunida laga soomayo (3) Diyaariye: Kamaal Axmed Cali

3
640

saacada10- Greece: Dalka Giriigga oo magaciisa rasmiga ahi hadda yahay jamhuuriyadda Hellenic, waxa uu ku yaalla koonfurta qaaradda Yurub. Athens ayaa ah magaalada ugu weyn dalka Giriigga ahna caasimadda, dalkani waxa uu madax bannaanidiisa ku dhawaaqay sannadkii 1822 xilligaas oo uu dalkani ka go’ay dhulweynaha dawladdii Cusmaaniyiintu ka talinaysay. Giriigga dadkiisu waa 11 Milyan iyo 305 kun oo ruux.

Dastuurka dalka Giriiggu waxa uu diinta rasmiga ah ee dalka iyo dadkaba u aqoonsan yahay mad-habta Orthodox ee diinta Masiixiga, muslimiinta dalka Giriigga waxaa lagu qiyaasaa boqoliiiba 1.24 oo ah inta uu dhalatay dalka, waxase jira dad lagu qiyaaso illaa 3 boqol oo kun oo ruux oo iyagu ah muslimiin dalka soo galeeti ku ah. Sannadkan oo bisha barakaysan ee Ramadaan ay ku beegantay xagaa waxaa dalkaas laga soomayaa 14 saac iyo badh ah inta u dhaxaysa gabbal dhaca illaa waaga hore berigiisa.

11- France: Jamhuuriyadda Faransiiska oo ku dhaqanta nidaam dawladnimo oo madaxtooyo ah, waxa ay ku taallaa galbeedka qaaradda Yurub. Faransiisku waa dalka ugu weyn galbeedka Yurub iyo dalka saddexaad ee guud ahaan Yurub oo dhan ugu weyn. Shantii boqol ee sano ee u dambeeyey Faransiisku waxa uu ka mid ahaa quwadaha ugu waaweyn dunida, dhaqaale ahaan iyo milateri ahaanba waxaanu saamayn weyn ku lahaa Yurub iyo dunida kale oo dhan. Dalka Faransiiska oo dadkiisu dhan yahay 65 Milyan iyo 350 kun oo ruux, intooda muslimka ah waxaa lagu qiyaasaa boqolkiiba 4 keliya. Dalkan waxaa bisha Ramadaan ee sannadkan laga soomanaan doonaa 16 saacadood.

12. Sucuudiga: Boqortooyada A-Sacuudiyah Al-Carabiyah waa dalka Carbeed ee ugu ballaadhan ee ugu dhulka ballaadhan ee ku yaalla galbeedka qaaradda Asia, waana dalka labaad ee dunida carabta oo dhan ugu weyn. Dalkan waxaa sannadkii 1932 aasaasay Cabdalcasiiz Bin Cabdiraxmaan Aala Sacuud oo awooga ay ku abtirsadaan qoyska boqortooyada dalkaas haya, isla markaana loogu magac daray dalka Sacuudiga. Dalka Sucuudiga oo ay caasimaddiisu tahay magaalada Dahraan dadkiisa waxaa lagu qiyaasaa 28 Milyan iyo 83 kun oo ruux, dhammaantoodna waa muslimiin, ku dhowaad boqolkiiba 90 ka mid ahi ay yihiini Sunni, halka inta soo hadhayna ay tahay Shiico. Dalkan oo ay ku yaallaan labada Xaram ee Makkah iyo Madiina oo uu ku aasan yahay Nebi Muxamed (CSW) sannadkani waxa uu noqonayaa in muddo ah kii ugu waqtiga dheeraa ee bisha ramadaan maalintii la af xidhnaado, waxaanay saacada soonku noqdeen 16 saac maalintii.

13. Ingiriiska: Dalka Ingiriiska oo ku yaalla woqooyiga galbeed ee qaaradda Yurub waa jasiirad ah tan sagaalaad ee dunida oo dhan ugu weyn. Dalka Ingiriiska oo nidaamkiisu yahay boqortooyo dastuuri ah oo uu awoodda leeyahay golaha xukuumadda ee raysalwasaaruhu hoggaamiyo dadkiisa waxaa lagu qiyaasaa 60 Milyan iyo 3 kun oo ruux caasimaddiisuna waa magaalada London. Diinta masiixiga ayaa ah ta ugu weyn ee jasiiraddan lagaga dhaqmo, laakiin waxaa jira diimo kale oo badan oo asal ahaan ay dalka soo galiyeen dadka dunida kale kaga soo haajira ee jinsiyadda qaata, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda dalalka uu Ingiriisku gumaysan jiray. Diinta Islaamka ayaa ka mid ah diimahaas dalka soo galay, waxaana aaminsan dad lagu qiyaaso illaa Hal Milyan iyo badh. Sannadkan waxa ay Ramadaantu ku began tahay xilli qorraxdu ay soo jeedayso 16 saac iyo badh……… La Soco

10- Greece: Dalka Giriigga oo magaciisa rasmiga ahi hadda yahay jamhuuriyadda Hellenic, waxa uu ku yaalla koonfurta qaaradda Yurub. Athens ayaa ah magaalada ugu weyn dalka Giriigga ahna caasimadda, dalkani waxa uu madax bannaanidiisa ku dhawaaqay sannadkii 1822 xilligaas oo uu dalkani ka go’ay dhulweynaha dawladdii Cusmaaniyiintu ka talinaysay. Giriigga dadkiisu waa 11 Milyan iyo 305 kun oo ruux.

Comments are closed.