Shalay Iyo Xil Wareejintii Labada Taliye Ciidan

0
987

Hargeysa(Geeska)-Taliyaha cusub ee ciidanka qaranka Gen. Maxamed Xasan Cabdillaahi (Jidhif) ayaa shalay si rasmi ah xilkii uga wareegay taliyihii hore Gen. Nuux Ismacil Taani oo uu Madaxweyne Siilaanyo toddobaadkii hore xilka ka qaaday.

Munaasibad shalay lagu qabtay taliska guud ee ciidanka qaranka ayaa waxa hadal ka jeediyay taliyihii hore ee ciidanka qaranka oo halkaas ku soo bandhigay wax qabadkiisa mudadii uu xilka hayay, waxaanu muujiyay xaaladda uu ciidanka qaranku ku sugnaa markii uu xilka la wareegay iyo heerka uu taaganyahay maanta oo uu xilka wareejinayo, “ Mudanayaal intaas aan xilka hayay ciidanku waxuu kordhay 41%, gaadiidka 200 ayaa ku kordhay intaan anigu joogay,markaan halkan imi halgaadhi oo beebeeya oo xun ayaan ugu imid maantana waxa jira urur idil oo beebeeyo ah, hubka ciidanku wuu saddex jibaarmay intii aan halkan joogay, qaybta 12 ee Burco magac ahaan ayay u jirtay maantana qaybaha ugu xooga way ee ayay ku jirtaa ee jiida jooga, markii aan imid ciidanka hal guuto ayaa joogtay Oog, anigoo afar maalmood joogay ayuu igu bilaabmay dagaalka barigu oo wax waliba galab galab igu yihiin, marxalad kastaba aan gaadhnee maanta waxa uu jiraa ciidanku 170Km ayuu dhaafay halkii aan maalintii ugu imi oo ganbadho ayuu joogaa, bilaash kumaanan tagine waxaan ku tagnay 14-Dagaal, 14-kaas dagaal khasaarahaygu waa uu yaraa inkasta oo laba taliye qaybeed nagaga dhinteen haddana khasaaraha dagaalku waa uu yaraa, kumana jiro dagaalkii yaraa ee Kalshaale oo kaasu waxa uu ahaa dagaal sokeeye ee waa dagaaladaan la galnay Puntland.”  Ayuu yidhi Tani, waxaanu intaas raaciyay  “Maanta 50Km ayuu xaga Laasacaanood inooga  jiraa xadku, xaga dhahareedana 28-Km ayuu inooga jiraa laamigu, intaasuna waa wax aan gaadhi karno waxaana loo baahan yahay in aan halkaas gaadhno, waxa ayse u baahantahay ciidanka halkaas gaadhayaa waa ciidan taakulayntiisii la sugay oo ciidan isdaba yaala loo helo weeyaan. Waxaan tababar siinay 67 sarkaal oo Efantariya oo soo qaatay saddex sano iyo badh, Injineero saddex sano iyo dheeraada waxaan soo barnay 26 Injineer, 10 dhakhaatiira iyo 16 kal kaaliyalaal caafimaada ayaan iyana soo tababarnay . guud ahaan ciidanka haatan waxbarasho dibada ugu maqan waxaan filayaa waa 230.”

Isagoo ka hadlaya qaddiyadda Ceelbardaale oo sabab u ahayd xil ka qaadistiisa, wuxuu yidhi “ Arinta galbeedka oo arinta badalkayguba ka dhacay ahayd, markay dawladii hore ahayd arintan waa laga hadlay laba nin ayaa la dilay, wasiirkii daakhilga ee hore iyo madaxweynahaba waxaan ku idhi kolay mag uunbay kala qaadan oo way iska heshiine labadaa nin ee dadkii dilay uun soo xidha, lama soo xidhin waxna lagama soo qaadin waa tii la tagtay arintii wadada in lagalo  arintaas ayaana keentay in wadada lagalo, maantana mid baa dhacday haddii markaa aad aragto xanuun soo noqnoqda daawadiisa ayaan lahelin, maanta arinbaa inagu dhacday hadaan xal loo helin arintii way soo noqnoqan oo barina way iman, waxaan leeyahay mudanayaasha laba wasiir baa hadda ka joogee arintan hala xaliyo oo dadkan hala kala jiheeyo, haddii ay noqoto adna runbaad sheegaysaa adna runbaad sheegaysaa dee waa laysku dilayaa uun meesha, markaa waxaan codsanayaa arintaasi si aanay dhibaato danbe inoogu noqon xal halaga gaadho oo dadkan walaalaha ah hala heshiisiiyo.”

Wuxuu hadalka ku soo gunaanaday maanso uu tiriyay Alle haw naxariste Abwaan Salaan Carabey, waxaanu yidhi “Salaan Carabey wuxuu yidhi waxba yaanu xeerkay I marin xoolana I siine, xaasha’e nin libin kaa xistiyay xumihii waa yaabe.”

Taliyaha cusub ee ciidanka qaranka Maxamed Xasan Cabdillaahi jidhif ayaa isna hadalkiisa ku bilaabay “ Anigu qadar Alle ayaan halkan ku imid halkan, kaanbayna umaan galin, meel yar oo qabaw ayaan iska joogay oo aan dhib lahayn, laakiin waxa weeye hawsha qaranku haddii ay kaa maarmi waydo in la qabto ayay noqonaysaa, wiigii waxaan shaqaynayay shan maalmood labana waan nasanayay halkana waad ogtihiin oo lama nasto, qadar bay noqotay. ”

Wuxuu ka hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya “Dawlada Itoobiya oo runtii aan walaalo nahay, wada shaqayn aanu leenahay, laysku keen diri jiray barigii hore waan ogaanay in aynaan walaal kale lahayn, waxaan ku rajo waynahay in aan sii qaadi doono sii balaadhin doono oo ku sii dari doono walaalnimadeena, cid baana isku keen adeegsanaysay maanta dib isugu noqon mayno ayaan u malaynayaa waayo waa kuwaa maanta inala dhisaaya, nolasha haddaanad saaxiib lahayna lama socon karo. Jabuuti safiir ayaa u yimid wasiirkii arimaha dibadaa jooga oo la socday lama soo casuumin ayaan filayaa, lakiin Jabuutina Safaaradeedii waa ay inala joogtaa waa ay dhismaysaa.”

Isagoo la hadlaya maamulka Puntland wuxu yidhi “Putland-na waxaan leeyahay Puntland idinkaa la baxay, anaguna idiin diidi mayno, dastuurbaad wadataan waan idiin ku hanbalyaynaynaa Somalibaad tihiin, mushkilada kaliyaata ee ina kala haysataa waxa weey  marka la dafiro lixdankii adduunyadu xadka Somaliya iyo Somaliland halkay u taqiin. Cabdisamad Cali Shire waa ninkii ciidankan magaalada Laasacaanood geeyay , waxa laga yaabaa inay gardaro ku dhacday, saxiibkay Cabdilaahi Jaamac halkaas ayuu joogaa oo wasiirka daakhiga weeyaan, haddii aynu sidaa ahayn aniga madaxweynuhu imuu farrin in aan dagaal galo beena ka sheegi maayo, laakiin waxa weeye wadan aan ciidan lahayni wadan maaha, ciidankan idin hor jooga ama ka halkaas jooga shan somaliyeed baynu ahayne anaguun hanagu dhaginee imtaxaanbaad tihiine, Jabuutibaa ahayd oo Itoobiyaa ahayd oo NFD ayaa ahayd shanbaynu ahayn, haddaan idinku khatalanay dee hanagu dhaginee na sii daaya waa imtaxaan sidaasuye.”

Farriinta uu Madaxweyne Siilaanyo soo faray ayuu ku sheegay inay tahay in ciidanka qaranku yahay mid nabadeed, “ Aniga madaxweynuu amar buu isoo faray, waxaad tahay ciidan nabad galyo cidna hadoonanin Somali dhimata madoonayno islaam dhinta ma doonayno, laakiin sunaha ama dabeecada wadan ayaa ah inuu ciidan yeesho taas baa nafaraysa maahane cid aan ku duulaan nahay ma jirto, aduunkana sidaas ayaan  u sheegaynaa. Markaan sidaas leeyahay in aan baqaayo yaan la mooodin anigu nin baqa  ma’ihi oo haddii laysku kay soo qaado anigu ma joogsado.” Ayuu yidhi

Isagoo Jidhif ka hadlaya dadkii ku dhintay Ceelbardaale, wuxuu yidhi “ Ragga halkaas ku dhintay nuuxbaa ugu xiga waa arrin xun weeye arin loo baahnaana muu ahayn, wax waa la dilaa laakiin waxa laynugula yaabi doonaa wixii wax dilay mahayno markaynu nidhaahno, taasa qariban, qofkan wax dilay kolay cadaabtuu tagayaaye inaga yaanu cadaabta ina sii marmarine halayska soo qabto.”

Isagoo la hadlaya dadweynaha Gabiley, wuxuu yidhi  “Dawlad ayaan nahay, mudaharaadku waa caadi laakiin mudaharaad salmi ah oo dawladda la weydiistay, haddaan Gabiley xukumi kari waayo meel kalena tagi maayo anigana waad I taqaanaan anigu albaabadaan idiin xidhi haddii ay waxaasi sii socoto, markaas waxan dawlad ayaa wata la idinku gafi maayo dadka waa la baadhaa, waana nasiib darro.”

Waxa isna halkaas ka hadlaya wasiirka gaashaandhiga Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami oo si rasmi ah xilkii ugu wareejiyay labada taliye ciidan ee isbedelay.