Xukuumada Somaliland oo ku guulaysatay mashruucii ugu balaadhnaa ee biyaha caasimada Hargeysa

0
754

Hargeysa, (Geeska)- Wasaaradda Tamarta, Macdanta, iyo Biyaha Somaliland ayaa ku guulaysatay mashruucii ugu balaadhnaa ee wax lagaga qabanayey baahida biyo-la’aanta ka taagan caasimada Hargeysa, tan iyo markii jamhuuriyadda Somaliland xornimadeedii la soo noqotay sannadkii 1991.

Wasiirka Tamarta, Macdanta iyo Biyaha, Mr, Xuseen Cabdi Ducaale oo xilliyo kala duwan ka hadlay in mudnaantooda koowaad tahay sidii ay wax uga qaban lahaayeen biyo-la’aanta dalka, uguna horeyso caasimada Hargeysa ayaa maanta ku dhawaaqaya dhaqaalaha ku baxaya mashruuca balaadhinta biyaha caasimada Hargeysa ee Midowga Yurub (EU) ugu deeqeen. Sidaas waxa Geeska Afrika u sheegay ilo xogogaala.

Mr. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa hore u cadeeyey inay toban ceel ka qodi doonaan deegaanka Xumbo-weyne sidii wax looga qaban lahaa biyo la’aanta caasimada Hargeysa, isla markaana la filayaa in mashruucan ay ka heleen midowga Yurub wax weyn ka tari doono daboolida baahida biyood ee dalka.

 

Horaantii sannadkan ayey ahayd markii wasiirka Tamarta, Macdanta iyo Biyaha, Mr. Xuseen Cabdi Ducaale iyo Maareeyaha wakaalada Biyaha Hargeysa, socdaalka ku tageen magaalada Nayroobi, si ay bulshada caalamka ugu gudbiyaan baahiyaadka biyo ee ka jira Somaliland iyo qorshahooda waxqabad, isla markaana Mr. Xuseen Cabdi Ducaale xaqiijiyey in Midowga Yurub aqbaleen inay bixiyaan qeyb ka mid ah dhaqaalaha ku baxaya wax ka qabadka biyo-la’aanta ka jirta dalka, gaar ahaan caasimada Hargeysa.

 

Wasiirka Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ayaa hore u sheegay haddii ay ka helaan boqolkiiba konton dhaqaalaha ku baxaya wax ka qabashada biyo la’aanta dalka, ay qeybta hadhay iska kaashan doonaan helitaankeeda shacabka iyo xukuumada Somaliland.