Safaarada Itoobiya Ee Hargeysa Oo Dhambaal Mahad Naq Ah U Dirtay Dawlada Iyo Shacabka Somaliland

0
647

 

safaarda itoobiyaHargeysa (Geeska)- Xukuumada Itoobiya ayaa u soo jeedisay shacabka iyo xukuumada Somaliland inay wadajir ugala shaqeeyaan xasiloonida iyo nabadgelyada gobolka, loona joogtayn lahaa balaadhinta horumarka.

 

War-saxaafadeed shalay ka soo baxay xafiiska safaarada Itoobiya ku leedahay Somaliland ayaa lagu sheegay in shacabka iyo xukuumada Itoobiya abaal-weyn ugu hayaan shacabka iyo xukuumada Somaliland taageeradii qiimaha lahayd iyo dareenkii ay isla garab-taageen geeridii ku timi raysal-wasaarahoodii geeryooday, Meles Zenawi.

Mr, Taye Tesfaye, ku-xigeenka Qunsulka guud ee safaarada Itoobiya ayaa war-saxaafadeedku soo saaray u qornaa sidan:

“Xafiiska Qunsulka Guud ee Itoobiya iyagoo ka xun, waxay u sheegayaan shacabka Somaliland in raysal-wasaare Meles Zenawi, oo dalka hogaaminayey ku geeryooday dhakhtarkii lagu daweynayey. Laakiin shuruucdii iyo qorshayaashii qiimaha lahaa uu dhigay noqon doonaan kuwo lagu dhaqmo.

Distoorka u dhisan hab dimoqraadiyad horumarsan ee hogaamiyahii nooga tegay weligii waan ku faani doonaa, waxaanan ku kalsoonahay in fikirkii dib-u-curashada Itoobiya dhabtii ahaan doonto mid aan laga laaban.

Doorkii horumarka iyo xasiloonida ee Itoobiya ka ciyaaraysay Geeska Afrika iyo qaarada guud ahaan, si loo xaqiijiyo faa’iidada dhinac walba waan sii wadi doonaa, Itoobiyana waxay ahaan doontaa maanta sidii shalay, oo jaar wanaagsan tusaale u ah.

Xafiiskani waxuu si weyn u dareemay  sida shacabka iyo xukuumada Somaliland u muujiyeen dareenkooda iyo taageeradii qiimaha lahayd ee u muujiyeen shacabka Itoobiya geeridii ku timi raysal-wasaare Meles Zenawi. Si weyn ayaan uga mahadcelinaynaa taageeradoodii balaadhanayd xilligii murugada, una soo jeedinaysaa labada dawladood iyo shacabka Somaliland inaan wadajir uga shaqeyno xasiloonid aiyo nabadgelyada gobolka, loona joogtayn lahaa balaadhinta horumarka.”