Shalay Iyo Su’aalihii Wasiir Xirsi Lagu Miisay

1
805

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay inaanu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo weli go’aan ku gaadhin inuu ka qayb galo shirka ay dawladda Ingiriisku Somalida u qabanayso dhammaadka Bisha Febarwari.

Wasiir Xirsi, oo shalay marti ku ahaa ba185xirsirnaamijka ka baxa telefishanka qaranka ee maqal dadkaaga, ayaa waxa halkaas ay dadweynihii ka qayb galay ku weydiiyeen su’aalo kala duwan oo la xidhiidha inuu sabab u yahay khilaafkii ka dhex qarxay dhawaan Madaxweynaha iyo ku xigeenka, sababta loo hadal hadal hayo iyo weliba arrimo kale oo jawaabahooda la raadinayay.

Ugu horayn wuxuu wasiir Xirsi oo sharaxaya aragtida xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee shirka London, wuxuu yidhi “Shirka London waxay ku urursantahay madaxweynaha ilaa hadda casuumad rasmi ahi may soo gaadhin laakiin waa la soo weydiiyay shirka iyo mawqifkooda, waase jiraan weftiyo iyo su’aalaha la weydiinayay ama ha noqdaan diblomaasiyiin ama siyaasiyiin beesha caalamka ah, waxaanay madaxweynaha jawaabtiisu ahayd annaguna uu nagu hoggaaminayaa oo ay tahay  wuxuu qaranka ku hoggaaminayo oo uu yidhi bulshada iyo masuuliyiinta reer Somaliland ayaan talo ku celinayaa waxaanan idin weydiiyay sidee ayaad ugu tallo gasheen inay Somaliland kaga qayb gasho, su’aalihii jawaabtoodii ayay dib ula noqdeen, inaguna waxaynu dib ula noqonay in wada tashi laga yeesho oo hadda wada tashigii wuu socdaa, way jiraan rayiga bulshadu in saxaafadda laga maqlo in la isku khilaafsantahay taga iyo ha tagina, waxase ay ku soo ururi doontaa marka ay taladu soo ururto iyo sidoo kale aynu ogaano xaaladda iyo maamuuska iyo meeqaamka la inagu qaabilayo ee uu cadaado ayay jawaabta xukuumadu cadaan doontaa, markaas ayaanan inshaalah sheegi doonaa.”

Mar la weydiiyay halka uu ku dambeeyay balan qaadkii xukuumadda ee ahaa in Ceelal biyood laga dhisi doono magaalada Burco, wuxuu yidhi “Ceelashii laga balan qaaday Burco haa waa la qoday, sideed ceel ayaa Burco la balan qaaday, sideediina waa la dhammaystiray oo hay’adii waday ayaa dhammaystirtay, wasaaraduna way la wareegtay ilaa haddana lanooma sheegin inay wax dhibaato ahi ku timid, sideedii ceel ee loo balan qaadayna sidaas ayay ku dhammadeen.”

Muwaadin magaciisa la yidhaahdo Maax Cabdillaahi Cabdi, ayaa wasiirka madaxtooyada weydiiyay waxa ka jira wararka sheegaya inuu sabab u ahaa khilaafkii dhawaan ka dhex oogmay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, waxaanu wasiirku ku jawaabay,  “Runtii ma jiro khilaaf aniga iyo madaxweyne xigeenku aanu is khilaafnay, Madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenku waa laba nin oo la wada doortay shaqadana waa laga yaabaa inay isku fahmi waayi karaan, ma jirin wax buuran oo is afgaran waa’ ah oo la odhan karo way jireen, laakiinse waxa la buun buuniyay oo aad loo buuniyay aragtiyo laga yaabo in qofba dhinac iska taago oo caado u ah dadka shaqada wada jooga, dadka shaqada wada joogaa qofba dacal ayaa laga yaabaa inuu is yidhaahdo sidan ayaa fiican, qofba si ayaa laga yaabaa inuu u dhigo Smaliduna hore waxay u tidhi maskax rag waa mudacyo afkood oo waxa laga yaabaa iyadoo wax la wada doonayo oo ujeedadu tahay in guul la gaadho ayaa laga yaabaa in qofba uu wado tilmaamo wadadanaa dhaw ee ma jirto khilaaf gaar ah oo laga yaabo sidii loo dhigay khilaaf gaar ah oo aniga igu soo arroortay ama saxaafadu sheegtay ama cid isku qabsanay ma jirto, waxa laga yaabaa sida guud ahaan ay goleyaashu yihiin in cid waliba dhinac iska taagto in aaraah la isku garan waayo laakiin wax buuran oo aan tilmaamo oo halkaas ka jiray ma jiro. Haddii laga tagi waayo xafiiska madaxtooyadu waa meel xarun u ah qaranka  oo hay’adaha dawladda oo dhami la soo xidhiidhaan, qof walibana wuxuu u soo kalahaa muraadka uu leeyahay inuu ka soo dhamaysto ama shaqo haka doonayo ama lacag ha ka doonayo ama taakulayn, Somalidana waxa u caado ah in qofkii muraadkiisa waayaaba uu  ka cowdo oo yidhaahdo waxaasaa la waayay, dadku madaxweynahay  ku wada socdaa aniguna waxaan fadhiyaa albaabkii, kii madaxweynaha waayaaba wuu I canaantaa.”

Mustafe Maxamuud Xasan, oo ah arday dhigta jaamacadda Hargeysa ayaa wasiirka weydiiyay sababta uu ku noqday wasiirka loogu hadal haynta badanyahay iyo weliba waxa ka jira wararka sheegaya inuu urur siyaasadeed hoosta ka wado, waxaanu yidhi  “Waxa la ii hadal hayaa, waxaan ahay saaxada siyaasdda hore la iiguma aqoon oo waan ku cusbaa oo waxa laga yaabaa in hadal hayntii badato, ta labaad waxaan ahay nin dhallinyaro ah oo ugu da’ yar inta wasiir ee joogta, halka aan joogana rag badan oo ama siyaasadda iiga horeeyay ama iiga da’ weyn  ama iga magac weyn baa doonayay, ka dibna in badani waxa laga yaabaa inay ii hadal hayso muxuu kuu dhaafay, waa ta’ saddexaad waxa laga yaabaa inay iska jirto oo aad isaga badantahay qofku markuu siyaasdda joogo qofkii dantiisa kaa waayaa inuu yidhaahdo hebel waa nin xun oo uu ku hadal hayo,  ku maago oo ku hiifo. Oday Somaliyed ayaa laga sheegay waagii ay gawaadhidu yarayd, ayaa waxa la odhan jiray I qaad oo halkaas I gee, markaasuu in badan qaaday, maalin dambe ayuu baabuurkii ka xumaaday, maalin walba mid ayaa ku soo baxay oo yidhaahda waadigii I qaadi waayay, markaasuu yidhi waar kuwaanu qaadi jirnay meeye, markaas waxa iska badan mid kasta oo dantiisa kaa waayaa dabcan wuu ku hadal haynayaa. Waxaan ku afraynayaa meeshu waa madaxtooyada oo xaruntii qaranka, cid kastana waxa laga yaabaa inay timaado oo wanaag ama xumo kugu hadal hayso, gebagebadii, Somalidu waxay odhan jirtay nin kaalintiisa ku filan ayaa la hadal hayaa ee ninkii kaalintiisa ku filnaan waayaa waxa la yidhaahdaa kaalintiisii wuu ku filnaan waayay. Waxaan isleeyahay waxa sheegi karaya waxaan ahay iyo kaalintyada cidda aan ka hoos shaqeeyo ee madaxweynaha iyo cidda aan la shaqeeyo.”

Isagoo ka jawaabaya su’aashii ahayd inuu ka tirsanyahay urur siyaasadeed kale, wuxuu yidhi

“Xisbi aan anigu samaystay hore ayaan saxaafadda uga sheegee ma jiro, waxaan anigu ahay KULMIYE, waxaanan xubin firfircoon ka ahaa KULMIYE, anigoo markii kulmiye shaqaynayay aan xubin firficoon ka ahaa, maantana dawladda wasiir ka ahay, sabab ii gaynaysa inaan xisbi kale samaystaa ma jirto, murashaxna ma ihi.”

Wasiirka Madaxtooyada oo ka hadlay dagaalka Buuhoodle waxa uu sheegay in dagaalkaasi yahay mid ay bilaabeen dad uu ku tilmaamay fidmo wadayaal ah, khasaaraha labada dhinacna uu yahay mid soo gaadhay dad reer Somaliland ah oo wada walaalo ah.

Wasiirku waxa kale oo uu ku eedeeyay maamul goboleedka Puntland inay daba ka riixayso dagaalkii Buuhoodle ka dhacay, waxaanu xusay inay Somaliland digtooni kaga jirto xiisada ay oloosayaan cadowga Somaliland.

Md. Xirsi Cali X. Xasan waxa uu intaasi ku daray in gogoshii nabadda ee Madaxweynahu fidiyey ay weli taallo, waxaanu waxgaradka gobolada Sool iyo Buuhoodle u soo jeediyay inay nabadgelyada ilaaliyaan.

Wasiirku oo la weydiiyay su’aal ku wajahnayd Tahriibta Dhalinyarada oo weli socota waxa ay xukuumaddu ka fulisay ballanqaadkii ahaa in dhalinyarada loo samaynayo shaqo abuuris, ayaa ku dooday in ugu yaraan Sadex Kun oo qof la shaqaaleeyey intii ay Xafiiska joogeen lana hagaajiyey niyadda dhalinyarada.

Comments are closed.