Xasan Ciise Jaamac Oo Farriin U Diray Madaxweyne Siilaanyo

1
679

Hargeysa(Geeska)-Md. Xasan Ciise Jaamac, oo ahaa madaxweyne xigeenkii u horeeyay ee Somaliland ayaa xukuumadda Somaliland u soo jeediyay inaanay talada qaran ee ay u urursanayso shirka Ingiriisku qabanayo aanay ku koobin saddexda xisbi balse ay ku darto ururada kale ee isdiiwaangeliyay.

Xasan Ciise Jaamac, oo shalay hadal ka jeediyay munaasibad loo sameeyay xarun dhexe oo uu urur siyaasadeedka Xaqsoor Hargeysa ka furtay, ayaa wuxuu isagoo ka hadlaya shirka London uu yidhi “Shirka ka dhacayamagaalada London ee wadankeena lagu marti qaaday qof kasta oo ka hadlay waxa uu sheegay in qodobka kaliya ee ina hagayaa uu yahay danta Somaliland, balse waxa lagu kala gedisan yahay habka kaliya ee danta Somaliland loogu soo bandhigi karo shirkaas iyo kuwa la midaba, muumulkeenu markii uu soo qaaday shirkaa London waxa uu yidhi talo qaran ayaanu ka gelaynaa, haddana waxa uu raaciyey saddexda xisbi ayaanu la shiraynaa, waxaan leeyahay taasi talo qaran maaha, saddexda xisbina imika marxaladii ururada ayey dib ugu soo noqdeenoo 18-ka urur ayey ka mid yihiin, dawladana waxaanu leenahay 18 siman oo umadaadii ah waa inaad u cadaalad samaysaa oo dhamaantood si siman ula dhaqantaa, Arintaas shirka London_na talo qaran oo balaadhan ayaa lagaga gudbi karaa, oo mucaarid iyo muxaafid, bari iyo galbeed ay umada u dhan tahay.”

Waxa kale oo uu ka hadlay dagaalada ka socda gobalada Bari oo uu ku baaqay in wada hadal lagu soo afjaro si aanu cadowga Somaliland uga faa’iidaysan.

 

Sidoo kale Md:Xasan Ciise Jaamac waxa uu soo jeediyey iay lagama maarmaan ay tahay sidii ay ururadu u midoobi lahaayeen ee cudooda ay iskugu keeni lahaayeen si loo helo ururo awood badan.

Comments are closed.