Shalay: Fadhigii Wakiilada Oo Muujiyay Fadhiidnimada Iyo Habacsananaanta Mudanayasha

0
542

golaha22Hargaysa(Geeska )- Fadhi ay ka soo xaadireen 12 xildhibaan oo ka mid ah 82 mudane ee golaha wakiilada ayaa ay warbaxin ka soo jeediyeen gudi hoosaadka cadaaladda ee golahaasi.

 

Fadhigan ayaa  uu gudoomiyaha gudidada cadaaladda Cabdiraxmaan Cismaan Caalin uu ka soo jeediyay warbaxin xoogan ay ka soo ururiyeen xabsiyada gobalada bariga,  kulamo ay ka qaateen masuuliyiin iyo guud ahaanba qiimayn ay ku sameeyeen cadaaalada dalka, balse warbaxinta uu jeedinayay xildhibaanku ayaa ahayd  mid u muuqatay in la siinaayo kuraasta aqalka wakiilada ee aadka loo qurxiyay, maadaama oo aanay mudanayaasha badankoodii fadhiyin.

Fadhigan oo uu shir gudoominayay gudoomiya golaha wakiilada Cabdiramaan Maxamed Cabdilaahi Ciro, ayaa ahaa mid madhan oo aanay ka soo xaadirin70 xildhibaan oo kamid ah mudanayaasha loo soo doortay inay u shaqeeyaan guud ahaan shacbiga reer Somaliland iyaga oo matalaaya.

Waxaana mudanyaashan oo mushahar badan ka qaata lacagta laga soo ururiyo dadka danyarta ah  ay caado ka dhigteen in aanay intooda badan ka soo xaadirin fadhiyadii looga baahnaa inay ku qabsadaan shaqada qaranka ay u hayaan, waxaanay wakhtigooda ku qaataan hoteelada iyo goobaha bunka iyo shaaha laga cabo.

Fadhigan  shalay ee golaha wakiiladu uu si cad uga turjumayaa sida aanay xildhibaanada golaha wakiiladu intooda badan diyaar ugu hayn inay qarankan u shaqeeyaan, waxaanay isku muujiyeen kuwo lagu hungoobay, oo ay khasaare ka taagan yahiin shacbi waynaha reer Somaliland ee niyad wanaaga ugu codeeyay wakhtigii lagu jiray doorashadii golahan lagu soo doortay.

Waxaana Gabi ahaan gudhay, oo xunbo daad qaaday noqotay, rajadii ay shacbigu ka rajaynayeen  mudanayaasha golaha wakiilada inay xukuumadda u noqdaan kuwo ku ilaaliya wadada sharciga isla markaasna sameeya xeerar badan oo wadanka qabyo ka ah.