Garaad Abshir Saalax Walaalkii Oo Xalay Lagu Toogtay Magaalada Garowe

0
606

Garowe(Geeska)-Waxa xalay cawayskii magaalada Garowe ee maamul goboleedka Puntland lagu dilay taliye xigeenkii maamulkaas ee Booliska Marxuum Cabdillaahi Saalax Maxamed (Nadare).

Marxuumka ayaan la aqoonsan cidda dishay waxaana la dilay isagoo jooga mid ka mid ah hoteelada laga cunteeyo. Marxuumka ayaa waxa ay walaalo ahaayeen Garaad Abshir Saalax, oo ka mid ah madaxdhaqameedka Beesha Dhulbahanate. Maaha markii u horaysay ee saraakiisha ammaanka ee hay’adaha maamulka Puntland la bartilmaameedsado, waxaana hore loo dilay dhawr sarkaal oo ka hawlgeli jiray hay’adaha nabadsugidda iyo maxkamadaha maamulkaas.