Madaxweynaha Wadanka Masar Oo Sannadka Cusub Booqanaya Dalka Itoobiya

0
485

Picture2Madaxweynaha Masar ayaa sheegay in uu booqanayo dalka Itoobiya. Madaxweynaha oo warbixibin siiyey warbaahinta dalkiisa ayaa sheegay in uu bisha Januaray ee 2015-ka booqasho ku mari doono wadamada Kuwait , Baxrayn, Imaaradka Carabta iyo Itoobiya.

Qaahira(Geeska)-Madaxweynaha wadanka Masar Cabdifataax Siisi ayaa sheegay inuu bishan January ee sannadkan cusub ee 2015 booqasho ku tegi doono wadanka Itoobiya iyo wadamo kale oo uu xidhiidh wanaagsan la leeyahay.

Mr. Siisi oo warbixin siiyay warbaahinta dalkiisa ayaa sheegay inuu bishan booqan doono wadamada Itoobiya, Kuwait, Baxrayn iyo Imaaraadka Carabta.

 

Marka laga tago wadamada Carabta oo aad u garab istaagay wakhtigii uu ku jiray doorashadii uu ku guulaystay, waxa soo jiidasho leh safarka uu ku tagayo wadanka Itoobiya, oo la sheegay inuu uga dan leeyahay si loo hagaajiyo xidhiidhka ay Masar iyo Itoobiya leeyihiin oo murugsanaa tan iyo markii ay Itoobiya bilowday dhismaha biyo xidheenka weyn ee Webiga Niil. Waxaana la filayaa inay madaxda Itoobiya ka wada hadlaan mawduucan.

Wuxuu warbaahinta u sheegay madaxweynaha Masar inay labada wadan isweydaarsadeen sida ay u arkaan daraasad ay soo bandhigeen guddi farsamo oo ka socotay labada wadan oo la xidhiidha biyo xidheenka.

Labada wadan ayaa isku maandhaafsan dhismaha biyo-xidheenka iyada oo Masar aamainsan tahay in dhismuhu yareyn karo biyaha soo gaadha dalkeeda, halka Itoobiya ku doodeyso in labada wadan ay ka faa'iideysan karaan wabiga.