Shacabka Reer Ceerigaabo Oo Codsaday In Gobolka Laga Bedalo Lacagta Giimbaarta Ah

10
694

Ceerigaabo (Geeska) – Deegaanada Gobolka Sanaag ee Somaliland, gaar ahaan Magaalada Ceerigaabo ayaa waxa oo gashay lacag shilinka Soomaaliya ah (Giimbaarta), taasi oo been abuur ah isla-markaana ka soo gashay dhanka Maamul Goboleedka Puntland.

Lacagtan GIIMBAARTA ah ee been abuurka ah oo saamayn ku yeelatay ganacsiga ayaa waxa si weyn uga qayliyey ganacsatada yaryar ee ka shaqeysta Magaalada Ceerigaabo, waxayna sheegeen in lacagtoodii ku baaba’ayso lacagtan been abuurka ah oo si qiyaas la’aan u soo gasha deegaanada Gobolka Sanaag, siiba Suuqyada Ceerigaabo iyo weliba bariga gobolka Sanaag.

Ganacsatada oo qaarkood warbaahintu wax ka waydiisay saamaynta ay lacagtan ku yeelatay, ayaa sheegay inay khatar ugu jiraan inay musalafaan, waxayna baaq u direen xukuumadda Somaliland “Lacagtayadii way khasaareysaa, sidaa daraadeed waxaanu xukuumadda ka codsanaynaa inay naga bedasho lacagta Giimbaarta ah” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah ganacsatada reer Ceerigaabo.

Dhanka kale, Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamed Geelle Dacar, oo isagana la waydiiyay waxa ay kala socdaan lacagtan been abuurka ah ee shacabka reer Ceerigaabo ka qayinayaan, ayaa sheegay inay talaabo ka qaadi doonaan cid kasta oo lagu ogaado inay gobolka Sanaag soo galiso lacagta shilinka Soomaaliga ah ee been abuurka ah.

Badhasaabku wuxuu sheegay inay gacan bir ah ku qabanayaan cid kasta oo arintaasi lagu helo isla-markaana ay xabsiga dhigi doonaan, isaga oo sidoo kalena tilmaamay inay wadaan dedaalo ay ku baadi goobayaan cidda ka dambaysa.

Maamul Goboleedka Puntland, ayaa toddobaadkii hore shaaciyey inay gacanta ku dhigeen Malaayiin shilin Soomaali ah oo been abuur ah, taasi oo loogu talogalay in lagu qarqiyo suuqyada Maamulka Puntland.

 

Comments are closed.