Shacabka Oo Sugaaya Maanta Mawqifka Madaxweyne Biixi Iyo Faysal Iyo Cirro Ee Go’aamada Ergada

0
595

 

Hargeysa(Geeska)-Ka dib markii ay ergada dhexdhexaadintu shalay go’aamo ka soo saareen khilaafka siyaasadeed ee doorashooyinka ee dalka ka taagnaa, ayaa waxa la sugayaa jawaabta ay madaxda ay khusaysaa ka bixiyaan go’aamadaas.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyayaasha labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo Faysal Cali Waraabe oo ay ergadu haysatay kalsoonidooda ayaan weli wax jawaab ah ka bixin go’aamadan, waxaana la sugayaa inuu dhinac waliba maanta cadeeyo mawqifkiisa.

Shacabka ayaa isha ku haya mawaaqiifta ay madaxdani qaadan doonto, iyadoo ay dad badan oo ka mid ah labeenta Somaliland ku taliyeen in la aqbalo go’aamada ay ergadu soo saartay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here