Ergada Dhexdhexaadinta Oo Go’aan Ka kooban 5 Qodob Ka Soo Saaray Dhexdhexaadintii Madaxweynaha Iyo Mucaaradka

0
757

 

Hargeysa(Geeska)-Ergada dhexdhexaadinta ka dhex waday Madaxweyne Biixi iyo xisbiyada mucaaradka ayaa soo saaray go’aan ay ka gaadheen khilaafka siyaasadeed ee dalka ka taagan.

Go’aankan oo ka kooban shan qodob ayaa waxa ugu muhiimsan inay ku taliyeen in la kala diro guddiga doorashooyinka ee wakhtigan iyo in dib loo soo magacaabo guddigii hore ee doorashada ee uu wakhtigu ka dhammaaday ee qabtay doorashadii u dambaysay ee madaxtooyada.

Shanta qodob ayaa kala ah

  1. In xubnaha komishanka ee cusub la kala diro, maadaama oo aanay lahayn khibrad ku filan oo ay ku gutaan hawsha doorashooyinka, islamarkaana ay la kowsadeen haysana kalsoonidii dhexdhexaadnimo ee laga doonayay guddiga doorashooyinka ee qaranka
  2. In la soo celiyo komishankii hore ee qabtay doorashadii ugu dambaysay oo ahaa komishan khibrad, tababar iyo xilkasnimo leh,
  3. In marka la soo celiyo komishankii hore ay saddexda xisbi qaran iyo komishanku ay si wada jir ah isula meel dhigaan mudada ugu dhow ee ay ku qabsoomi karto doorashada wakiilada iyo deegaanku
  4. In xukuumadda iyo xisbiyada qaranku ay aad uga fogaadaan hadal kasta iyo ficil kasta oo waxyeelayn kara nabadgelyada iyo xasiloonida dalka, dhaawacayana midnimada umadda reer Somaliland
  5. Xisbiyada mucaaradku waa inay ixtiraamaan goleyaasha qaranka ee kala duwan iyo garsoorka

Ganacsade Muuse Xirsi Dalab oo ka mid ah ergada dhexdhexaadinta ayaa gudida doorashada ee wakhtigan  ku eedeeyay inay balan kaga baxeen iyaga oo sheegay in cadaadis la saaray, waxaanu yidhi “ Komishanka cusub maalin ayaanu la kulanay  oo toddoba cisho na suga ayaanu ku nidhi way naga aqbaleen haddana maalin labaadii ayay is badaleen, waxa laga sheegayay anigu afkooda kamaan maqline oo rag naga mid ah ay sheegayeen cadaadis ayaa nala saaray markaas sow hadhowna cadaadis la saari maayo markay doorashadu timaado khilaafkaas ay ku bilaabmeen iyo intaas danbe ee aan idiin sheegay markaan ka shidaal qaadanay  waxaanu go’aaminay in gudidaas la kala diro, tii horena waa lagu gafaye la soo celiyo.”

Xubnaha guddiga ayaa kala ah:

  1. Maxamed Axmed Faarax Food guddoomiye
  2. Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani) Xoghaye
  3. Muuse Xirsi Abokor (Muuse Dalab)
  4. Sheekh Cabdiraxmaan Maxamuud Aadan
  5. Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jowhar
  6. Xaaji Maxamuud Qaalib Cali
  7. Sheekh Cabdraxmaan Aw Axmed
  8. Cali Xasan Jaamac (Cali Gobanimo)
  9. Sheekh Maxamed Cali Geedi
  10. Suldaan Axmed Xasan Jaamac
  11. Yuusuf Cismaan Cabdile (Shaacir)
  12. Cali Maxamed Saalax (Cajab)
  13. Kayse Shukri Jaamac
  14. Jaamac Rooble Xirsi (Birqaab)
  15. Xasan Axmed Xuseen Bulbul
  16. Yuusuf Ducaale Barre
  17. Sheekh Cismaan Maxamuud Cabdillaahi
  18. Cismaan Kaahin Axmed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here