Mo Faarax Walaalkii Oo Somaliland Loo Soo Mustaafiriyay

0
644

 

Maxamed Faarax oo u orda Britain, walaakii ka yar ayaa dib loogu celiyay Somaliland, “halkaas oo uu hoy la’aan ku yahay”, sida uu qoray wargeyska Mirror ee ka soo baxa UK.

Axmed Faarax waxaa UK laga soo musaafuriyay sannadkii 2016-kii ka dib markii xabsi laga sii daayay, sida wargeyskaas uu ku soo bandhigay wareysi gaar ah oo uu la yeeshay Mo Farax walaalkii.

Dowladda UK waxay musaafurin kartaa dadka ajaaniibta ah waa haddii ay xabsi galaan in ka badan 12 bilood. Illaa 45 kun oo qof oo dembiyo kala duwan geystay ayaa Britain laga musaafuriyay tan iyo 2010-kii.

Axmed Faarax wuxuu xabsi ku jiray afar sano iyo badh ka dib markii uu ku lug yeeshay weerar mindi, sida wargeyska Mirror uu ku warramay.

Wuxuu Britain gaadhay sannadkii 1991-dii Wuxuu markaas jiray saddax sano balse weligii ma helin sharciga Britain, sida wargeyskaas uu qoray.

Mirror ayaa soo xigtay isagoo sheegaya in aanu aqoon u lahayn dhulka lagu celiyay oo aanu haysan haysan lacag uu nolol cusub ku bilaabo.

“Waa baqayay. Waxaa la igu soo dhex tuuray meel shisheeye ii ah aniga. Amakaag ayey hannaanka ku noqotay. Qorshe dhan ma lahayn iyo wax la mid ah, shilinna ma haysan, mana haysan qoys i daryeela”, ayuu yidhi.

“Muddo waxaan deganaa hotel. Ugu dambeyn waxaan helay adeer gurigiisa i geeyay. In muddo ah ayaan la noolaa.”

“Hadda marba meel baan seexdaa, mana jirto meel aan ku tilmaami karo gurigeyga. Qoyskeyga waxaan u jiraa masaafo 4,000 oo mile ah. Qoyskeyga ma arag saddax sano. Hooyadeey, walaalkey, dhiigeyga”.

Sida uu wargeyska Sunday Mirror qoray, Axmed faarax waa 30 sano jir. Wuxuu sheegay in aanu dooneyn beer-jileec, balse uu rabo in fursad labaad la siiyo oo uu ku muujiyo in uu isbedelay.

Wargeyska wuxuu qoray in Axmed uu hadda ku nool yahay magaalada Burco, ee Somaliland. “Waxaan sameeyay qalad weyn, balse maxay tahay sababta laba goor la iigu ciqaabayo wax aan sameeyay?” ayuu u sheegay wargeyska Mirror.

Wuxuu sheegay inaanu muddo wax war ah ka helin walaalkii Mo Faarax oo caan ku noqday orodka dunida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here