Shabakad Midaysa Farmasiyada Dalka Oo Hargeysa Lagaga Dhawaaqay

0
881

 

farHargeysa (Geeska) Shabakad cusub oo ka hawl gali doonta ilaalinta iyo kor u qaadida aqoonta farmasiiyada iyo isku xidhkooda ayaa lagu daah furay magaalada Hargeysa, gaar ahaana Hotel Dalxiis. Shabakada cusub ayaa loogu magac daray shabakada farmasiyada ee Bulsho-Kaab.

 

Furitaanka shabakada farmasiyada ee Bulsho-Kaab waxaa ka soo qayb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka marrow Nimco Xuseen Qawdhan, agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Cabdi Axmed Nuur, agaasimaha cisbitaalka TB-da Dr Cismaan Cabdi Maygaag, madaxa hay’adda PSI Zhazina Masud, qaar ka mid dhakhaatiirta iska leh farmasiyada gaarka loo leeyahay iyo marti sharaf kale. Daah furka shabakada cusub ee farmasiyada waxaa iska kaashaday hay’adda PSI, Wasaaradda caafimaadka iyo UK Aid.

Ugu horayn waxaa halkaas ka hadashay madaxda hay’adda PSI Zhazina oo shaaca ka qaaday sababta loo aas aasay iyo waxay qaban doonto Bulsho-Kaab, waxaanay sheegtay inay muhiimada koowaad ay tahay sidii dadka loo siin lahaa dawooyin tayo leh oo runtii wax ka tara dhibaatooyinka caafimaad daro ee dalka ka jira iyo aqoonta dadka shaqada u xil saaran sidii kor loogu qaadi lahaa, waa sida ay u dhigtay hadal-keedee. Zhazina waxay inaas ku dartay inay Bulsho-Kaab balan qaadi doonto ka shaqayn doonto ilaalinta tayada dawooyinka dalka soo gala.

Madaxa hay’adda PSI oo ka hadlaysay sababta loo aas aasay shabakada cusub ee farmasiiyada ayaa tidhi “sababta aanu u samaynayno hawshan waxa weeyaan sida ka muuqata magaca waa caawiye bulshada caawinaaya, markaa inaad bulshadiina caawisaan oo aad caafimaadka ka caawisaan, idinka laftiinuna aad tayadiina iyo ganacsigiinu uu ku kor u kaco. Afar qodob ayaa ugu waawayn ujeedooyinka Bulsho-Kaab. 1. in kor loo qaado oo la balaadhiyo qaybaha gaarka loo leeyahay ee caafimaadka, isla markaana ay dadku ku soo hirtaan oo ay noqdaan meelo wanaagsan. 2. In kor loo qaado tayada dadka farmasiiyada ka shaqeeya, si ay u bixin karaan talo wanaagsan. 3 Sidoo kale maadama oo ay u badan yihiin dadka farmasiiyada iminaya dumar iyo caruur, dadka farmasiyada hayaana ay rag u badan yihiin, markaa sidii ay isku fahmi lahaayeen hooyooyinka iyo raga farmasiiyada hayaa waa in aynu iska siino tobabar qaabka shaqada. 4 iyo qodobka u danbeeya oo ah in farmasiiyada laftooda ee ah ka ganacso oo kaliya in wax laga badalo oo lagu daro in dadka loo daneeyo oo dawada saxda ah qofkii la siiyo. Ujeedaduna waa in la soo saaro dad aqoon u leh caafimaadka”.

Waxaa isna halkaas ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Cabdi Axmed Nuur, waxaanu ku dheeraaday inay jiraan dad aqoon la’aan taagan oo ka shaqeeya ama lagaga tago farmasiyada qaarkood. Waxaanu u soo jeediyey masuuliyiinta goobaha caafimaadka inay ka dheeraadan soo dhawaysashada dadka aan aqoonta u lahayn caafimaadka iyo dawaooyinka.

Ugu danbayntii waxaa iyana halkaas ka hadashay wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Somaliland maraw Nimco Xuseen Qawdhan, waxaanay ugu horayn ku dhawaaqday furitaanka shabakada farmasiyada oo ay sheegtay inay furantahay maanta wixii ka danbeeya. Maraw Nimco waxay sheegtay inay aas aaska shabakada farmasiyadu tahay mid si wayn uu ugu baahnaa qaranka iyo dadkuba. Mar ay ka hadlaysa hadii la daboolo baahiya caafimaadka is bedelka dhici doona waxay tidhi “ Hadii aynu afar qodob daboolno waxaan qabaa in adeegani uu noqonaayo adeeg runtii fiican. 1 Dhakhtarka oo qora dawadii ku haboonayd qofka. 2 Ninka dawada soo dajiya oo dawo tayo leh umada u keena. 3 Ninka dadka baadha oo isna qalab tayo leh ku baadha dadka xanuunka lagu sheego. 4 Iyo qofka farmasiga iibinaya oo isna ah qofkii ku haboonaa, isla markaana ka iibiya dawadii qofka u qornayd” Wasiirka ku xigeenka ayaa intaas ku dartay in hadii afartaad qodob umada loo horseedo wax wayn ay ka tari doonto hagaajinta caafimaadka qaranka Somaliland.

Ugu danbayntii waxaa iyana halkaas hadalo kooban ka soo jeediyey xubno ka mida masuuliyinta farmasiyada oo sheegay inay hore ugu baahnaayeen cid isku xidha farmasiyada dalka, taas oo ay ku tilmaameen inay hoos u dhigi doonto isla markaana wax ka tari doonto halista caafimaad iyo dadka aan aqoonta u lahayn shaqada farmasiyad ee haatan faraha kula jira.