Shir Lagu Dhagaystay Warbixinta Guddi Uu Wasiirka Cadaaladu Magacaabay

0
856

 

Hargaysa(Geeska) Shir warbixin lagaga dhagaysanayay gudi uu wasiirka wasaarada caadaladu saaray inay warbixin ka keenaan xabsiyada Hargaysa,Mandheera iyo Gabiilay isla markaana wada tashi ay ku yeelanayeen inta badan hay’adaha garsoorka iyo cadaalda dalka u qaabilsan ayaa lagu qabtay  magaalda Hargaysa.

Shirkaas oo socday saacado badan waxa uu haa shir albaabadu u xidhan yihiin waxaana ka soo qaybgalay Wasaarada cadaalda,maxkamda sare, maxkamda rafcaanka ee Hargaysa, maxkamda gobaka ee Hargaysa, maxkamda gobalka iyo dagmada ee Gabiilay, maxkamda dagmada Hargaysa, xeer ilaalinta guud, xeer ilaalintii gobalka Hargaysa, taliska CID-da, Asluubta, afar hay’adood oo caalamiya, ururka looyarada iyo komishanka xuququulinsaanka.

Kulankaas markii uu soo dhamaaday ayaa waxa saxaadada u waramay wasiirka cadaalda Xuseen Axmed Caydiid iyo gudoomiyaha maxkamda sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cabdi.

Ugu horayn waxa saxaafada la hadlay gudoomiyaha maxkamda sare Yuusuf Ismaaciil Cabdi oo ka hadlay ujeedada shirka waxaana hadaladiisa kamid ahaa “Waxa uu shirkani waxa uu ahaa shirhawleed wax lagagag dhagaysanayay gudi kormeer ku soo samaysay xabsiyada Hargaysa,Madheera iyo Gabiilay, gudigaas oo uu hore u saaray wasiirka waasada cadaaldu, run ahaantina waxa ay ka koobnaaayeen bahda wadaagta hawsha garsoorka bilayska xabsiyada, qareenada  iyo maxkamda sareba, mudo toban casho ah gudaheedna waxa ay ku soo gudbiyeen warbixin fiican waxii talo ah ee lagu biiranayay hawshuna waa lagu biiriayay, markaa shirku sidaas ayuu ku saabsanaa ku saabsanayd”

Gudoomiyaha maxkamda sare kadib ayaa uu wasiirka cadaalda Xuseen Axmed Caydiid isaguna uu sii faah faahiyay sababta ay shirkan sigu yimaadeen intabdan hay’adaha ku tacaluqa dhanka cadaalda iyo garsoorka. Hadaladii wasiirkana waxa kamid ahaa “Shirkan saaka madashan aanu saaka ku qabanay waxa uu ku saabsanaa guddidaa uu gudoomiyahu inoo sheegay ooh ore aanu u magacawnay oo aanu xabsiyada dalka siiba sadexda inoo soo xiga Hargaysa,Madheera iyo Gabiilay ayaanu warbixintoodii halkan ku dhagaysnaynay, maanan ku wada balaadhan dalkoo dhan meelo badan oo ay cadaaladu saamaysana maanan u dirin, sadexdaa xabsi ayaanu xooga saaranay waayo culays wayn aya ka jira waxanay nooga yimid warbixino gudiga ka horeeyay. Anagoo warbixinahaa ka duulayna ayaanu sadexdaa xabsi u xilsaarnay guddidaa runtiina waxa ay ka keeneen warbixin aad iyo aad u qiimo badan, talooyina way soo raaciyeen halkana waxii lagaga kordhin karayay ayaa lagaga kordhiyay, deedna talo lagaga hawl galo xabsiyada ayaa ka soo baxi doona.”

Isaga oo wasiirka cadaaldu hadalkiisa siiwata waxa uu yidhi “Waxa aanu ogsoonahay oo kale in golaha wakiiladu gudiga xuquuqda aadamaha iyo cadaaldu ay kormeer ku soo mareen xabsiyada dalka warbixina ay ka diyaarinayaan kaana waanu sigaynaaa inay qoraal nooga soo gudbiyaan. Deena labada kormeer waxii ka soo baxa ayuunu ku hawl gali doonaa. Kormeerkaasuna waxa aanu isla qaadnay inuu lixdii biloodba mar aanu tiim noocasa u dirno xabsiyada oo deedna aanu kala socono sida ay wax isu badlayaan. Hawlo badan ayaana halkaas ka soo baxi doona oo ay kamid yihiin oo wada shaqaynta bahda cadaalda sida loo hagaajinayo leh, oo sida kiisaska loo maamulayo leh, oo tbabarada iyo aqoonaha sida loo kordhinayo leh, kormeekan kormeeka ku xigana waxa aan rajaynayaa natiijo tan maanta kaduwan, markaas shirku sidaas ayuu ahaa waxaanan awooda saaraynay dadka maxaabiista ah ee xidhan, waxuunbaanu hubinaynaa in maxabiistaana ay helaan xuquuqdoodii oo aan lagu tacadiyin.”