Amsterdam (Geeska)- Cilmibaadhiso cusub oo lagu sameeyey dalka Holland ayaa daahfurtay in qofka oo maalin kasta cabba 3 illaa 5 koob oo shaah ahi ay ka fogaynayso in ay ku dhacaan xanuunnada wadnaha, xididdada dhiigga iyo sidoo kale dhiig furanka maskaxda.
Golaha caafimaadka ee dalka Holland oo ah haayad caafimaad oo madaxbannaan ayaa ku taliyey in qofku uu Shaaha ka dhigto sharaabka caafimaadka u fiican ee uu joogtada u isticmaalo.
Eart Shotein oo ah afhayeenka golahan ayaa mar uu la hadlay wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa dalka Ingiriiska waxa uu sheegay in tixraac ay ku sameeyeen qoraallada cilmiga ah ee la sameeyey tobankii sano ee la soo dhaafay ay muujinayaan caddaymo ah in Shaahu uu yahay cabbitaan caafimaadka u fiican. Afhayeenka oo sii wada hadalkiisan uu Geeska Afrika turjumay ayaa intaas kudaray in 3 illaa 5 koob oo shaah bigaysa ah maalintii keliyi ay hoos u dhigayso khatarta ah in qofkaas uu ku dhaco dhiig-furan maskaxda ah (Faalig), xanuunka macaanka iyo sidoo kale in uu dhiigkarka hoos u dhigo.
Tim Bond oo ka tirsan golaha caafimaadka ee dalka Holland ayaa isna dhankiisa ka sheegay in faa’idooyinkaas hore ay sii dheertahay in 3 illaa 5 Koob oo shaah bigays ah oo maalin kasta la cabbaa ay hoos u dhigto khatarta ah in qofka ay ku dhacaan xanuunnada wadnaha iyo xididdada dhiiggu.
Sida uu Geeska Afrika ka soo xigtay Shabakadda Al-Carabiya, Cilmibaadhis kale oo lagu sameeyey dalka Faransiiska ayaa iyaduna xaqiijisay in cabbista shaahu ay yarayso khatarta ah in qofka ay ku dhacaan xanuunnada wadnaha iyo xididdada dhiiggu, isla markaana uu shaahu si guud uga qayb qaato wanaajinta caafimaadka guud ee qofka. “Haddii lagu kala doorransiiyo shaah iyo Bun, Cab Shaaha, waayo isaga ayaa nolosha muhiim u ah, maadaama oo uu yaraynayo khatarta ah in qofka ay ku dhacaan cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga ahi…” Ayaa lagu yidhi qoraal rasmi ah oo ay soo saareen cilmibaadhayaasha daraasaddan diyaariyey, iyaga oo intaas ku sii daray, “Waxa aan ku talinaynaa in Shaaha lagu beddesho bunka iyo cabbitaan kale oo kastaba”
Sida ku cad warbixinaha haayadda caafimaadka adduunka ee WHO cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga ayaa ah sababta kowoaad ee dunida oo dhan loogu dhinto, iyada oo 17.3 Milyan oo qof ay sannad kasta dunida ugu dhintaan wadne xanuun, taas oo u dhiganta in boqolkiiba 30 ddka dunida u dhintaa ay u sababta galaafatay tahay wadne xanuun, sannadka 2030 kana laga cabsi qabo in ay tirada dadka sannad kasta cudurkan u dhimanayaa ay gaadho 23 Milyan.
Waxaa xusid mudan in Sonkorta iyo milixdu ay yihiin labada dilaa ee aamusan ee ay culimada caafimaadku sida aadka ah uga digaan, sidaa awgeed xusuusno in shaaha aad cabbaysaa uu noqdo mid aan sonkor lahayn sida fiican, haddii kale si aad ah loogu yareeyey.