Ragga Oo La Ogaaday In Ay Cunto Badan Cunaan Marka Ay Gabadh Uu Jecel Yahay Cuntada La Wadaagayso

9
1534

Washington (Geeska)- Haddii aad aragto nin gabadh la jooga oo cunto inta caadiga ah ka badan cunaya waxa ay taasi marag cad u tahay in uu gabadhan jecel yahay. Cilmibaadhis cusub oo dhowaan lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa daahfurtay in ninku marka uu ag joogo gabadh uu jecel yahay uu cuno cunto ka badan inta uu cuni lahaa marka aanay cidi la joogin ama gabadh aanu jeclayn ay la joogto.

Cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey ay tijaabo ku sameeyey 150 Nin oo qaan-gaadh ah, kuwaas oo ay u sameeyeen casuumad cunto aad u macaan ah, iyada oo mar nin kasta laga dalbaday in uu cuntadan la cuno gabadha uu jecel yahay cuntadana inta uu xiisaynayo uu cuno oo aanu joojin, mar kalana ragga oo kelidood ah ama nin kastaa saaxiibbadii gaar ula cunayo ayaa la eegay. Cilmibaadhayaasha oo ka tirsan jaamacadda Cornell ee dalka Maraykanka ayaa gebo-gebadii tijaabooyinkaas waxaa u soo baxday in ragga la cunteeyey guud ahaan dumar, gaar ahaanna dumar ay jecel yihiin ama xaasaskooda ah ay cuneen cunto celcelis ahaan boqolkiiba 86 ka badan inta ay cuneen ragga cuntada ragga kale la wadaagay.

Dr. Kevin Levin oo madax u ahaa cilmibaadhistan ay samaysay jaamacadda Cornell ayaa isaga oo arrinta sii iftiiminaya waxa uu yidhi, “Natiijadan soo baxday waxa ay tilmaamaysa in raggu ay cunto cunistoodu aad u badato marka ay dumarka ay jecel yihiin la fadhiyaan ama la wadaagayaan”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here