Shaaha Oo Kulayl Lagu Cabbaa Waxa Ay Keentaa Khatar Ah Kansarka Dhuunta Ku Dhaca

0
1117
two cups of hot tea

Hargeysa (Geeska)- Cilmibaadhis cusub oo Maraykanka lagu sameeyey ayaa lagu ogaaday in cabbista shaaha aadka u kululi ay laban laabto khatarta ah in qofka uu ku dhaco cudurka Kansarka hungurigu. Majaladda caalamiga ah ee International Cancer Magazine oo ka faalloota arrimaha xanuunka Kansarka ayaa baahisay natiijada cilmibaadhistan oo ay sameeyeen cilmibaadhayaal ka tirsan jimciyadda Kansarka ee Maraykanka.

Cilmibaadhayaashu waxa ay caddeeyeen in cilmibaadhiso hore ay daahfureen xidhiidh ka dhexeeya cabbista shaaha kulul iyo khatarta ah in uu ku dhaco cudurka kansarku, laakiin aanay cilmibaadhisahaas hore caddayn illaa heerka ay tahay in uu gaadho kulaylka shaahu marka uu cudurkan sababayo, iyo xaddiga shaahaas kulul ee khatarta keenayaa uu yahay, tusaale ahaan koob ama laba koob maalintii. Taas oo ay daraasaddan imiku caddaynayso.

Cilmibaadhistan ayaa ay xeeldheereyaashu wadeen muddo toban sano ah oo baadhis iyo sahamin lagu sameeyey shank un iyo 45 ruux oo da’doodu u dhexeyso 40 sano jir illaa 75 sano jir. Dadkaas oo intii baadhista lagu waday ay 317 ka mid ah oo cusub uu ku dhacay cudurka kansarka noociisa hunguriga ku dhaca.

Waxa ay cilmibaadhayaashu sheegeen in tododba boqol oo milimitir iyo ka badan oo ah shaah kulul oo heerkulkiisu boqolkiiba 60 gaadhayo ah, maalin kasta, ay boqolkiiba 90 kordhinayso khatarta ah in uu ku dhaco cudurka kansarka, marka la barbardhigo dadka cabba shaah aan sidaas u kululayn.

Dr. Farhaadi Islaam oo hoggaaminaysay xeeldheereyaasha cilmibaadhistan sameeyey ayaa sheegay in dad badan ay balwad u tahay in ay ku raaxaystaan cabbista shaaha ama bunku marka uu aad u kulul yahay, laakiin sida caafimaad ahaan saxda ahi ay tahay in la iska qaboojiyo inta aan la cabbin.

Dr. Farhaadi waxa ay intaas ku dartay in shaaha oo la yara qaboojiyo inta aan la cabbin, ama caano qabow lagu daro si ay u qaboojiyaan shaaha, waxa ay u dhowdahay in aanu sabab u noqon khatarta ah in uu ku dhaco cudurka kansarka ee dhuunta ku dhaca.

Cilmibaadhistani waxa ay taageertay talooyin ay sannadkii 2016 ka soo jeedisay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO oo sheegaysa in cabbitaannada uu kulaylkoodu ka badan yahay boqolkiiba 65 shan, ay sababaan kansar.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here