Senator Donald Payne Oo Geeriyooday

0
593

NEWJERSEY-CONGRESSMAN/Washington(Geeska)-Waxa shalay cisbitaalkaSt. Barnabas Hospital ee dalka Maraykanka ku geeriyooday Donald Payne, oo ka tirsanaa aqalka odayaasha ee dalka Maraykanka.

Donald Payne, oo mar ahaa guddoomiyaha guddiga siyaasadda Afrika u qaabilsan guddiga arrimaha dibadda ee golaha odayaasha Maraykanka, ayaa wuxuu u geeriyooday xanuunka Kansarka ka dib markii qaliin lagu sameeyay, waxaanu geeriyooday isagoo 77 jir ah. Donald Payne, ayaa caan ka ahaa Somalida dhexdeeda, waxaana la xasuustaa sidii ay isugu dhaceen xukuumadii Madaxweyne Rayaale ee hore, ka dib markii uu dalka Maraykanka ku qabtay shir uu u qabtay kooxaha Somalida oo ay xukuumadii Madaxweyne Rayaale ku gacan saydhay inay ka qayb gasho. Waxaanu shirkaas si cad uga sheegay inuu dagaal ku qaadi doono Jamhuuriyadda Somaliland.

Laakiin taas bedelkeed, waxa uu kulan la yeeshay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo xilligaas ahaa guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, dhawr goor oo dambena waxa ay dalka Maraykanka kulamo ku yeesheen wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Donald Payne, ayaa bishii April ee sannadkii 2009, wuxuu socdaal kedis ah ku tagay magaalada Muqdisho oo ay xilligaas inteeda badan gacanta ku hayeen kooxda Al-Shabaab, waxaana hubka culus ee garabka laga rido lagu ganay diyaaradii ka qaaday garoonka Muqdisho, laakiin isagu wuu ka badbaaday weerarkaas.