Waraysi Gaar Ah: Wasiirka Cadaaladda Somaliland

0
508

Xuseen-Axmed-Caydiid-whgHargeysa(Geeska)-Wasiirka cadaaladda Somaliland Md. Xuseen Axmed Caydiid, ayaa markii u horaysay ka hadlay sababta uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, mashruuca budhcad badeeda uga wareejiyay wasaaradda cadaaladda ee ugu wareejiyay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Md. Caydiid, oo shalay waraysi gaar ah siiyay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay in dhinaca wada hadalada caalamka lagala xaajoonaayo budhcad badeeda la hoos geeyay wasaaradda arrimaha dibadda, laakiin arrinta maxaabiistu ay weli qayb ka tahay wasaaradiisa, waxaanu sheegay in qaybtan wasaaradda cadaalada laga wareejiyay xilligii uu ahaa wasiirka hawlaha guud. Wasiir Xuseen Axmed Caydiid, waxa kale oo uu ka hadlay garsoorka dalka oo uu sheegay inay muuqato in xoogay isbedel ah laga sameeyay hagaajinta cadaaladda oo ay cabasho badani ka taagnaan jirtay, waxaanu sheegay in lagu guddo jiro qorsheyaal kor loogu qaadayo baahida nololeed ee garsoorayaasha si ay cadaaladu u toosto. Waraysigaas uu Wargeyska Geeska Afrika, la yeeshay Wasiirka cadaaladu wuxuu u dhacay sidan:

Ugu horayn mudane wasiir waxa aad warbixin kooban naga siisaa xaalada guud ee cadaalada dalku halka ay marayso, maadama oo aad tahay wasiirkii cadaalada.?

Xaalada cadaalada ee dalka waxaan odhan karaa wax badani way iska badaleen, hadana halkaanu doonaynay wali ma’gaadhin, waa wax koraya oo  maalinba in wax lagu daro u baahan,dabadeedana is biirsanaya oo mudo kabacdi wax laga dareemi karo.

Maaha wax hal talaabo marka la qaado ku dhamaanaya, matalan cadaaladan aad I waydiinayso wasiir cadaaladeed ayaan ku magacawnahay cadaalad aan inta badan toos  gacanta ugu hayo oo wasaaradu ay fulisaana waa ay iska yar yahiin, taban taabo iyo ilaalin guud mooyaane dee cadaalada halka laga dareemi karaa waa hay’ada garsoorka, maxkamadahaa gacanta ku haya, maxkamaduuna waxaad ogtahiin waa hay’ad xukuumaada ka madax banaan markaad dhan u eegto oo saddexdii waaxood ee qaranka ayay qayb kamida tahay, hay’adaas ayaa gacanta ku haysa waanay madax banaantahay.

 Xukuumada oo dhan ayay ka madaxbanaantahay wasaarada daayoo, lama odhan karo kiiskaas sidaa iyo sidaas u xukun, kaana sidaas iyo sidaas haw xukumin, waxa faragalina laguma yeesho, taban taabadii ayuunbaad ku leedahay haddii ay agab tahay iyo haddii ay xafiis tahay iyo haddii ay tababar tahayba iyo dhibku halku marayo inaad eegto iyo jeelasha oo aad marto oo xaalada maxaabiista kolba la darso.

Ku talo galka guud ee aan leenahay wax badan bay cadaalada ka qaban karaan, tusaale ahaan waxaan u dajinay qorshe shan sanadood ah oo lagu horumarinaayo cadaalada, qorshahaas sanadkii aan imika soo dhaafnay bishii 12-10-keedii ayaa lagu dhawaaqay in maalintaas waxii ka danbeeyay uu dhaqan gal yahay, inta sanadkan lagu jiray uun baanu dhaq-dhaqaaqiisii fulintu bilaabmay, waxaanu soconayaa 2012-ka ilaa 2016-ka.

Markaad xaga danbiilayaasha gacan ku dhiiglaha ah ka eegto, qabashada hore laga soo bilaabo ama badda ha ka dhacdo ama bariye ilaa qofku halka uu ku danbaynaayo ee xabsiya iyo dhaqan toosinta la soo siinayo ee bulshada isagii oo wax tar leh la doonayo inuu ku soo noqdo, ee dhexdana ay galayaan baadhisahii iyo eegistii iyo maxkamadayntii, silsilada intaas leeg hadaan mar lawada kobcin oo midina hadho qaarna koraan taa kortay wax qabadkeedu muuqan maayo waayo waxa la fadhiisanaysa silsilada intii kale.

Qorshahan imika aan wadanaa waxa uu keenayaa in mar laysku dayo in la wada kobciyo, waxa loo sameeyay qaabkii fulinta, gudiyo ayuu leeyahay, matalan waxa jirta guddi la yidhaahdo gudidda hagida dib-uhabaynta cadaalada aniga ayaa imika gudoomiye u ah, waxana kamid oo kale wasiirka arimaha gudaha,gudoomiyaha maxkamada sare,xeer ilaaliyaha guud,labada taliye ciidan ee booliska iyo asluubta, xubin baarlamaanka,xubin gudidda garsoorka ah iyo xubin hay’yda UNDP oo iyadu dhanka fanka naga qaabisha.

Dhawaan waa tii garsoorayaasha dalka isbadal lagu sameeyay,, hadaba isabdalkaas maxaad ka filaysaan?

Waxa laga filayaa aqoontii waa lagu tayeey oo  marka aad aqoontii qofka loo eego ee inta la qorayaa ay tahay inta kuwii horana ugu ladan in meelaha ku haboon la geeyo, inta soo galaysana loo eego inay aqoon jaamacadeed leeyahiin, markaas isbadal baad ka filaysaa kol  hadaad aqoontii kobciso, talaabadaas waa la qaaday.

Waxyaabaha la gaadhayna waxa kamida maalintii aan xafiiskan imi xabsigan Hargaysa waxa gar sugayaal ku ahaa 249 maxbuus oo aan maxkamad wali la hor gayn ayaa isku soo gaadhay, saandkaas siday hoos ugu dhacaysay bishii koowad ee sanadkan waxa ay yimaadeen 25 maxbuus oo gar sugayaala ah, markaas halkaas waxa aad ka arkaysaa inuu dadaal yimi, anaguna bil walaba riboodhbaanu qaadanaa ah maxaa bishan maxaabiista garsugayaal ah, bishan magacyada naloo soo qoraa haday bisha danbe hadana gar suge ku jiro oo hadana ta sadexaad uu ku jiro dee maxkamadii baanu la hadlaynaa oo aan leenahay hebel maxuu intaas oo dhan garsuge u yahay, maxkamaduna waa ay ogtahay in liiskaas aan hayno oo naloo keenayo oo aan eegi doon. Markaas arinkaas iyo dadaalkaas waxa uu dhaliyay in maxaabiistii la kala wado oo xukumadii la dadajiyo oo aan qofku iska xidhanaan.

Dhinaca kale waxa talaabooyinka aanu qaadayno kamid ah, nolasha garsoorayaasha in waxbadan laga qabto oo hadaan qofka baahidiisa la daboolin oo aan laga nabad galin Baqe iyo Baahi dee garsoor hagaagsan ka heli maysid, labadaas mid kamida haday meesha yaalaan garsoor hagaagsan ma jiraayo, markaas in arintaas la daboolaa qorshaha ayay noogu jirtaa, waxna waan ka bilawnay oo sanadkan mushaharkoodii kor  ayaa loo qaaday garsoorayaasha maxakamada sare, haday garsoorayaasha maxkamdaha hoose tahayna talaabo ayaa la qaaday inkasta oo aanay ahayn taanu la doonaynay ama aanu la rabanay, hadana markaad eegto itaalka dalka talaabo uun loo qaad, waxanan rajaynaynaa in sanadaha soo socdana sida ay wax inoogu kordhaan ay ugu kordhaan. Markaad dhankaas ka ilaaliso ee la xisaabtanka la’la xisaabtamo isagii markaas wax wuu toosin karyaa.

Waxa kale oo aan xusi lahaa oo hada talaabo aanu dhaqso u qaadayno ah sharci yaqaano cusub  oo jaamacadaha ka soo baxay oo 40 ah ayaa la tababarayaa. Waxay ku jireen shan bilood tababarka haddii alle yidhaahdo ilaa sadex bilood oo kale haday ku jiraan garsoorka ayay ka hawlgalayaan, markaas ama maxkamdii gar soore kaliya haysatay halagu labeeyo ama qaar kuwii hore kamida hanasin karaane, waxay noqnayaan lod aqoon iyo tababar cusub ah oo dhalinyaro ah garsoorkana inuugu soo biiray intii ugu tirada badnayd.

Arimaha maxaabiistu waxay hoos yimaadaan wasaaradan cadaalada, waxaana nagu maqaalo ah in Madaxweynuhu  marshuucii budhcad badeeda u wareejiyay  wasaarada arimaha dibada, arintaas bal iyada ka waran?

Arintaasu waa run, runtii dhinaca wada hadalada waxa la hoos geeyay marka bulshada caalamka arimaha budhacad badeeda laga wada hadlaayo wasaarada arimaha dibada, guddi ayaa jirta markii horena wasaarada cadaaladu ay gudoonkeeda lahayd, imikana wasarada arimaha dibada hoostagta, runtiina go’aan madaxweyne ayay ku timid, taas waxbaa ka jira laakiin kolay haddana hawshii ay wasaaradan ku lahayd bahda cadaalada sidii bay noqonaysa oo dee budhacadbadeedii waa fal danbi.

Markaas taasi naga hor joogsan mayso, bahdii cadaaladu siday kiiska u qaban lahayd iyo sida ay caalamaka ugala xaajoon lahayd sidii wax loo tari lahaa bahda cadaalada ee arimahan ku lug leh, ama qabashada hore hanoqoto ciidankii bada ee qaban lahaa tababaro la siiyo, markaa haday taas tahay iyo haday xeer ilaalinta tababaradeeda tahayba iyo haday garsoorka xoojintiisa tahay iyo haday halkii lagu xidhi lahaa wax ka qabashadiisa tahayba, arimahaas kiiskii budhacad badeedu uu marayo oo dhan dee inaan kala xaajoono caalamka inay wax nagala qabtaan, ileen waa dagaal caalamiya oo aynu inaguna qayb ka nahaye markaas si wax loo qabato dee waa inay inagana wax inala qabtaan, Markaas taasi naga maanaci mayso.

Waxa aan imi wasaarada iyada oo ay arimaha dibad qaybtaas la xaajoodka caalamka ee arimaha budhacad badeeda la hoos geeyay ee laygama badalin intaan joogay. Laakiin anaga hawshayadii farsamo waxba naga xanibi mayso oo waa wasiirka cadaalada haddii maxbuus la soo wareejinayo iyo haddii laga wada hadalayoba cida lagala hadlaayo ee xeerkeenu uu siinayaa waa wasiirka cadaalada, cid aanan anagu odhan maxbuuskaas waanu aqbalanay  cid kale odhan mayso waanu aqbalnay.

Waxa wabaahinta ku jira in 19 maxbuus oo budhacad badeeda ah laga soo wareejinyaayo wadanka Seychelles  iyada oo aanay wali beesha caalamku wax xabsiyo ah uga samayn gudaha Somaliland, arintaas kawaran?

Horta sideedaba in budhcad badeeda xabsi gaara loo dhiso oo la yidhaahdo xabsigaas waa kii budhcad badeeda qasab maaha, budhacad badeednimadu waa danbi ka mida dunuubta dhacda, waana danbi ina saamaynaaya oo cuna qabtaynbuu ina saarayaa, waxaanu saamayn ku leeyahay raashinka iyo wax kasta oo dibada inooga soo daga, imikaynu ognahay  badeecad inoo soo socotay inay ku maqantahay afduub, markaas danbigaas sida uu caalamka u saamaynaayo ayuu inoo saamaynayaa.

Xabsiyo ay beesha caalamku inoo hagaajisayna waa y jiraan oo ka Hargaysa inta la dumiyay ayaa laga dhigay dabaqyo oo halkii qofwaliba sibidhka ka lahaa laba taako imika waa laba sariirood oo is dul saaran oo qofkii maxbuuska ahaa sariir buu leeyaahay, markaa xabsi wanaagasan oo laynoo dhisayna waa uu jiraa odhana mayno budhacad badeeda ayaa loo dhisay.