Qaahira (Geeska)- Waa qaybtii saddexaad ee qormadii uu Geeska Afrika turjumay ee ka warramaysaa dhowr qiso oo ina tusaya culimo saynis oo sameeyey tijaabooyin qofka ku kaca waalli loo malayn karo.
7. Sir Henry Head: Waxa uu ahaa dhakhtar caan ah oo ku takhasusay cilmiga qalniinka neerfayaasha. Waxyaabo aad u badan ayaa uu ku soo kordhiyey cilmiga neerfayaasha, gaar ahaan waxaa lagu xasuustaa cilmiga nidaamka dareenka taabashada maqaarka iyo xidhiidhka ka dhexeeya maskaxda.
Sir Henry Head oo sannadkii 1940kii geeriyooday isaga oo 79 sano jir ahaa, waxa uu kaga duwanaa saynisyahannada kale badankooda isagu waxa uu jeclaa in cilmiga uu soo kordhiyo uu naftiisa ku tijaabiyo, waxa aana si gaar ah loo xasuustaa mar uu soo siibay dhammaan neerfayaasha gacantiisa, si uu u daraaseeyo raadaynta ay ku yeelan karaan dareenka xanuunka, iyo sidoo kale in uu ogaado waxa ay ku kala duwan yihiin neerfayaasha dareenka iyo kuwa dhaqaaqu.
8. George Stratton: Waa caalim ku xeeldheeraa cilmi nafsiga oo uu caan ku ahaa, waxa aanu wax badan ku soo kordhiyey cilmiga aragtida isaga oo lahaa fikirka lagu curiyey muraayadaha indhaha ee shayga lagu eego roga (Madaxiisa minjo ka dhiga) isla markaana jihooyinka is weydaariya sida in midixda dhinaca midigta ay mariso.
George Stratton oo sannadii 1957kii geeriyooday isaga oo 92 sano jir ahi waxa uuu dhashay dalka Maraykanka, wax yaabaha sida gaarka ah loogu xusuustana waxaa ka mid ahaa sidii curintiisii muraayadaha rogan uu ugu tijaabiyey naftiisa.
Inta uu sameeyey muraayado shay kasta oo lagu eego dushiisa hoos ka dhigaya jihooyinkana is weydaarinaya ayaa uu isagu xidhay, muddo afar maalmood ah markii uu tijaabadan waday, waxa uu dareemay dawakhaad iyo in isu-dheelli tirnaantii jidhku ka lunto, muddo toddobaad kale ah, maalintii shanaad maskaxdiisu waxa ay bilowday in ay la qabsato shayga ama sawirka rogan ee ay arkaysp, maalintii siddeedaad markii la gaadhayna si fiican ayaa uu ula qabsaday oo uu awooday in uu si caadi ah u socdo isaga oo gashan muraayado qofka iyo shay kastaba roga.
9. Kevin Warwick: Waa injineer Ingiriis ah oo dhashay sannadkii 1954kii,waxa aanu hadda ku xigeen kayahay waaxda cilmibaadhista ee jaamacadda Coventry ee dalka Ingiriiska. Kevin Warwick waxa uu caan ku yahay daraasado cilmiya oo uu ku sameeyey xidhiidhka isla falgalka tooska ah ee u dhexeyn kara nidaamka kombiyuutarka iyo hab-dhiska neerfaha ee aadamaha. Sidoo kale waxa uu wax badan ku soo kordhiyey cilmiga aaladda aadame-u-ekaha ee Robot ka loo yaqaanno ka shaqaysiintiisa la xidhiidha.
Kevin Warwick waxa uu caan ku yahay in masalooyinka cusub ee uu helo uu naftiisa ku tijaabiyo, waxa aanu si gaar ah ugu soo shaac baxay tijaabadii uu sannadii 1998kii, jidhkiisa oo gacanta ah ku beeray tiro ah kaadhadh tiknoolajiyad ku shaqaynaya, si ay ugu shaqayso sida kombiyuutarka oo kale. Waxyaabaha yaabka lahaa ee tijaabadiisaasi ay soo kordhisay waxaa ka mid ahaa in aaladdan kombiyuutar ee uu isku beeray ay sida xubnaha kale u qaadato amarrada ishaarooyinka ku soo gaadhaya ee maskaxda, oo tusaale ahaan marka ay masaxdu doonto in ay bakhtiiso laydhka ama shiddo ama in ay doonto in albaabka ya furto in aaladdan kombiyuutarka ee jidhkiisa ku beerani amarka toos uga qaadato maskaxda kadibna aaladdii kombiyuutar ee ku sii xidhnayd ay u gudbiso.