Saynisyahanno Ogaaday Xogo Dheeraad Ah Oo Ku Saabsan Habka Ay Shinnidu U Raadsato Cuntada

0
528

London (Geeska)- Cilmibaadhayaal ku xeeldheer nolosha cayayaanka ayaa ogaaday in shinnida oo ka mid ah boqortooyooyinka cayayaanka kuwa ugu nidaamka fiican uguna kala dambaynta badani ay leedahay kooxo u gaar ah raadinta ilaha cusub ee cuntada ay ka raadsan karaan, oo aan ahayn hadba inta ay markaas yaqaannaan. Kooxdani waxa ay tagtaa dhul masaafad fog u jira halka ay deggen tahay, iyada oo raadinaysa ubax man leh, halka ay ka jiraan kooxo kale oo iyaguna gala safarro aan joogto ahayn oo ay cunto ku raadinayaan, kuwaas oo qaarkood ay yihiin safarro gaagaaban. “Waxaa jiran kooxo iyagu gala safarro is-miidaamin ah si ay u soo raadiyaan ilo dihin oo ay cunto ka heli karto boqortooyadu, halka qaarkoodna ay ka door bidaan in ay joogaan meelaha aan aadka uga fogeyn boqortooyada oo ubax keliya uun ay baraystaan, kuna soo noqnoqdaan kelidii” ayaa lagu yidhi warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa Ingiriiska.

Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Queen Mary, oo daraasad gaar ah ku sameeyey afar shinni dheddig ah, oo ay daba socdeen laga soo bilaabo markii ay dillaacday illaa markii ay dhimanaysay, waxa ay ogaadeen in muddadaa ay noolaayeen oo u dhexeysay 6 illaa 15 maalmood ay shinnidaas dheddig wareegtay 244 socdaal oo mar kasta ka bilaabanayey xarunta boqoradda kuna soo dhammaanayey, isku darka masaafadda ay duushayna waxa ay ku qiyaaseen 180 Kiloomitir.

Daraasaddan oo la filayo in ay si weyn ugu faa’idayn doonto beeraleyda iyo dadka shinnida dhaqda oo ay ku jiraan kuwa sida gaarka ah u dhaqda iyo shirkadaha ka ganacsada balabka ayaa sidoo kale lagu ogaaday in shinnidu aanay ka wada midaysnayn qaabka cunto raadinta, iyada oo qaarkood ay galaan safarro sahamin ah oo dhaqso ah si ay u soo raadiyaan  noocyo gaar ah oo ubaxyada ka mid ah, kadibna ay halkaas ku negaadaan muddo mararka qaarkood 6 maalmood gaadhaysa, halka qaarkeedna ay meelo go’aan oo aan ka fogeyn boqortooyada u raadiyaan cuntada.