SAYLICI Oo Sheegay In Qaadhaanka Loogu Talo Galay Gurmadka Abaaraha Ay Xisaabi Daba Socoto

0
469

Hargeysa (Geeska) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Saylici), oo ah Guddoomiyaha Guddida Abaaraha oo isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa ay socod ku marayaan Gobollada Bari ee dalka, ayaa sheegay in ujeeddada socdaalkooda yahay u kuurgalada xaaladda Abaareed ee dalka iyo inay dabagal ku sameeyaan qaabka loo maamulay kharashkii abaaraha.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Saylici), oo arintan ka hadlay wuxuu yidhi “Aad iyo aad baan ugu faraxsan nahay in tacabka intaas leeg iyo dhulka intaas leeg aanu marno, waxaanu ku faraxsan nahay in hawsha aanu ugu xil saarnayn qaranka iyo masuuliyadda na saaran in aanu gudano, daalna naguma jiro, waxaanu ugu talo galnay in 8 maalmood ilaa sagaalad maalmood intay nagu qaadanayso in saddexaad Gobol inta badan ku marno, inkasta oo dhulkeenu uu ka baaxad weyn yahay oo aan la wada gaadhi karin, laakiinse Degmo walba meel ka marno, wixii aanu sidnay iyo ujeeddada aanu u soconay midi waxay ahayd wixii hore ee hore nooga yimid ee hanti ahaa ee taakulaynta abaaraha u soo dirnay aanu ogaano halkay martay iyo xisaabtii noogu dambaysay, iyo sida loo qaybshay degmo iyo gobol kasta wixii soo gaadhay, ta labaadna waa u kuurgalida xaaladda Abaarta..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office