Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Oo Sheegay In Dawladda Soomaaliya Ay Dagaal Ugu Hanjabtay Somaliland

0
549

“Safiirka Qolada Xamar u jooga Washington wuxuu bixiyey War-bixin ah, waanu la dagaalamaynaa (Somaliland), sidaa Ukrain baanu gacan u qaadaynaa, taasi waa Quusasho..” Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Dawladda Soomaaliya ay ka xun tahay horumarka Somaliland ka samaynayso dhinacyada diblumaasiyaddu ka mid tahay, sida Xidhiidhka Taiwan oo meel wanaagsan maraya.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo Shalay hadal ka jeediyey Munaasibad lagu qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Dawladda Soomaaliya ay Somaliland ugu Hanjabtay dagaal, arrintaasina ka dhalatay xidhiidhka Somaliland la leedahay Taiwan oo ka go’day Shiinaha.

Madaxweynaha Somaliland oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waad la socotaan qoladaa markii hore aynu isku dawladda ahayn imikana isku magaca dhawnahay ee Xamar ka talisa dagaalada ay ku jiraan waxaad kala socotaan Warbaahinta, Somaliland maalinta wax yar oo horumar gaadhaanba dagaalka u badan bay qaadaan.”

Madaxweynuhu wuxuu sheegay oo kale “Safiirka Qolada Xamar u jooga Washington wuxuu bixiyey War-bixin ah, waanu la dagaalamaynaa (Somaliland), sidaa Ukrain baanu gacan u qaadaynaa, taasi waa Quusasho, waa Naftii Hafar, Afka ayuun baad ka tidhi baan leeyahay. Wasiirkii arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa isna waxaa Shiinaha kala hadlayay, markaa waxaan doonayaa inaan u sheego qolada Xamar, Shiinuhu iyagoo wasiir ku xigeenkoodu socdo oo noo yimi baanu ku nidhi, oo haddana ku leenahay cidina luqunta na qaban mayso oo waxa aanan doonayn noo tilmaami mayso, cidda aanu la xidhiidhayno, ciddina noo sheegi mayso, sidii waftigii wasiir khaarajigu u sheegeen Taiwan, maaha go’aan shakhsi, wasiir iyo guddi kasoo baxay, wuxuu kasoo baxay qof kasta oo Somaliland ah da’a kastuu yahay iyo meel walba uu joogo, tanna wixii ka dhacay iyo waxay u goosatay aabba-yaashiin iyo awoow-yaashiin waydiiya, Somaliland mid cid loogu hanjabo maaha Ilaahay bay aaminsan tahay Xoriyadeeday ilaashanaysaa halkaasay taagan tahay, ninkii hadlayna waa ina iska hadle.”

Geeska.net/Hargeisa Office